Wasiirka Dhalinyarada: Shirka Nabadda Ee Geerisa Waa Inuu Soo Saaro Xal Waara

Monday August 03, 2026 - 18:37:56
hadhwanaagnews
Waxa uu carrabka ku adkeeyey in nabaddu ay tahay qiimaha ugu weyn ...



Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax, ayaa sheegay in Shirka Nabadda ee ka socda deegaanka Geerisa uu yahay fursad muhiim ah oo lagu soo afjari karo colaadaha laguna xoojin karo wada noolaanshaha bulshada.


 

Wasiirku waxa uu sheegay in ay jireen dadaallo lagu doonayey in shirku uusan qabsoomin ama aan laga wada hadlin nabadda, hase yeeshee uu ugu dambayn u qabsoomay sidii uu Alle u qaddaray.


 

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in nabaddu ay tahay qiimaha ugu weyn ee bulshada, isla markaana aan wax faa’iido ah laga helin colaadaha, isaga oo ku baaqay in shirka laga soo saaro heshiis iyo xal waara.


 

"Shirkan nabadda ee Geerisa waxa lagu dadaalay inaan la fadhiisan oo aanu qabsoomin, Ilaahay se wuu inoo qabsoomiyey. Nabadgelyo wax ka wanaagsan ma jirto, colaadna faa’iido laga helayaa ma jirto. Waxaana muhiim ah in nabad iyo xal waara laga soo saaro shirka,” ayuu yidhi Wasiir Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax.


 

Wasiirku waxa uu sidoo kale ka hadlay saamaynta colaadaha ee bulshada, isaga oo sheegay in dhinacyada ay colaaduhu taabtaan ay yihiin dad ay qaraabo yihiin, taas oo muujinaysa baahida loo qabo in khilaafaadka lagu dhammeeyo wada-hadal iyo dib-u-heshiisiin.


 

"Anigu dadka ugu nasiibka xun ayaan ahay; ka dhimanayaana mar waa abtigay iyo inaabtigay, dhinaca kalena waa adeerkay iyo inaadeerkay, waana nasiib-darro,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland.

     
Loading...