HADHWANAAGNEWS
Aragti shakhsi ah oo leh sharaf iyo karaamo ayaan halkan kusoo gudbinayaa, sidoo kale waa mahad celin iyo codsi shaqsiyadeed oo aan ahayn mid reereed mid xafadeed iyo mid dagmo/gobol toona.
Dhaliisha shacabka qiimaha leh ee reer Somaliland aan uhayaa waa 1 arin uun, waligood umasoo baxaan mana garab istagaan geesigooda qofka wakhtigiisa iyo hantidiisa u hura, naftiisana inuu u huro ladiyaar la ah.
magaranayaan inay garab istaagaan oo taageeraan guryaha kasoo baxaan sacado kooban mobilada ay ku fooraraana intay meel iska dhigaan.
Mudane mayar degan ahaan Gabilay ayaan kasoo jedaa waxa igu kalifay inaan sidaa isku cadeeyo waxay tahay inaad ogaato hadii uu jiro 1 tuug oo magac reer gaara iyo degaan gaara kuqadhaabtaa, inay jiraan 1000 qofood oo wanagsan kuu mahad celinaya oo aan eegayn yaa ixigee eegaya yaa wax itaraya dalka iyo dadkana ushaqaynaya?
Mudane maayir waxaad qabatay shaqo cajiib ah oo xitaa cadowga Somaliland qiray.
Waanan kugu bogadinayaa, maadaama aanan dalka kunoolayn oon qaxooti ku ahay dal shisheeye ma awoodo inaan boodh sooqaato aan kugu mahad celinayo anigoo xafiiskaaga hortiisa taagan, waxaanse awoodaa inaan dhanbaal furan adiga iyo shicibka reer Somaliland hawada idiin soomariyo anigoo kuleh mahadsanid .
Waxaad qabatay shaqo qofka kaadanbeeya xujo kunoqon doonta, hadii aad kursiga banayso waxa baylah noqon doona casimada dalkaaga.
Adigu qabatay wixii karaankaaga ahaa taariikhdana baaldahab ah kagashay jiilalka soosocda unoqotay tusaale mudan oo ay kudaydaan.
Waxaan kaa codsanayaa inaad buug nooqorto kooban oo aad uga hadlayso caqabadihii kaahor yimid ee kuudiiday inaad qabato waxbadan oo aad awoodi kartay.
Guntii iyo gabagabadii dalkaaga haku halaynin wax magaro iyo dad aanu caqligoodu kufilnayn, wixii xil ah ee aad umadaada ugu shaqayn kartana hadiidin, xitaa haduu Gudomiye dagmo yahay.
Waxaan doonayaa in wax magaratada jahliga iyo xasadku ogadaan ujeedkaagu inuu yahay inaad hooyada iyo dhalanka ushaqayso iyo kuwa mudan garab istaaga.
Saadaasha odorasku waxay sheegaysaa qofka kubadala inuu waji gabax kala kulmi doono xilka mayarka casimada, alle kama dhigo se.
WABILAHI TOWFIIQ.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!