hadhwanaag Burco (HWN) Xildhibaanada
Golaha Deegaanka ee Degmada Burco ayaa saaka cod gacan taaga ku doortay Maayir
iyo Maayir Ku xigeen cusub waxaanay u doorteen Maayirka Degmada Burco Maxamed
Xirsi Axmed (Maxamed Case) halka Maayir Ku Xigeenkana loo doortay Suldaan Nuux
Jaamac.
Wasaaradda Arrimaha
Gudaha JSL ayaa hambalyo u dirtay hogaanka Cusub ee loo doortay Degmada Burco,
waxaana laga filayaa horuumar iyo isbedel ku dhisan waxqabad.
Xil kaqaadista
maayarkii hore iyo ku xigeenkiisa ayaa imanaysa xili golaha deegaanka Burco uu
mudooyinkii ugu dambeeyay uu ragaadiyay khilaaf xildhibaanada dhexdooda ka
taagnaa.