Ha Akhrinin Fariintaan Fadlan:-

Monday January 06, 2025 - 08:40:50
hadhwanaagtv
Waxaan ogahay kan qorayga wata ee dilaya walaalkii
———————————————————————————
Waxa uu qaatay qoray deedna waxa uu dilay wiil, ma yaqaano kan la dilay waxa loo dilay, kan wax dilayna ma yaqaano sababta uu u dilay qofka uu dilay…

Hooyo ayaa noqotay gablan waysay halkeedi canug, qolka ay ku sugan tahay hooyadaasi waa ku dhagan qolka ay ku dhex ilmeeyneeysa xaas jecleeyd ninkeedi la dilay, se ma dili karto ninka dilay ninkeedi, mana habaari karto xitaa, waayo ninka dilay ninkeedi waa walaalkeed.

Dilaaga wiilka uu abtiga u yahay wuu ilmeeynayaa, waayo waxa uu gacanta abtigii ku waayey Aabihii oo uu dunida ugu jeclaa, Dilaaguse waxa ku dabaal dagayaa guri kasoo horjeeda guriga ay walaashii ku ilmeeyneeyso, waliba isagoo naftiisa ku tilmaamaayo geesi, waayo waxa uu dilay wiil u dhashay qabiil kale, mise oga inuu walaashii, iyo waliba ilmaha uu abtiga u yahay uu ka qaaday labadii indhood eey wax ku arkayeen…

Waa sax, "Dagaalku ma go’aamiyo yaa saxan iyo yaa qaldan ee kaliya waxa uu go’aamiyaa ka tagayo iyo waliba ka haraayo”--Bertrand Russell

Run badnaayee ninkii yiri, "Kolka uu dhinto qalbigu, waxaa tagta naxariista, Hadii uu caqligu dhintana waxaa idlaada Xikmada, se kolkii uu dhinto damiirku, waxaa guuro wax waliba”

Bal weeydiiya culimada daraaseeysa taariikhda, ma jiraan qolo dagaalku ka gaaray darajo nabadeed, iyaga oonan isku imaanin deedna waxba isla meel dhigin?…Diimuhu ma waxeey ogol yihiin dilista dadka oo dhan sabab la’aan?, mise dawladaha ayaa go’aamiya kan dhimanaayo iyo waliba kan noolaanaayo?.

Miyaanan la oran Nabad laguma gaaro awood, ee kaliya waxaa lagu gaaraa is-fahan. – Albert Einstein.
Miyeeynan dadkeeygu arkeeynin dahabka, shidaalka, Macdanta, Kheryraadka barriga iyo waliba badeena dhax ceegaaga?, iga raali noqda saaxiibayaal, waan ilaabay inaan u dagaalameeyn hanti iyo hunguri dartii, se sababta dagaalkeenu yahay kibir, hase ahaatee Miyaanan Kibirka lagu kufeeyn toloow?

Maxaa inoo diiday inaan is fahano, oo aan si wada jir ah u noolaano xili eey dad kala diin ah, kala luqad ah, kala dhaqan ah, kala yool ah, ay si nabad iyo baraaro ugu nool yihiin caalamka kale.

Waa sax, "waxaan baranay inaan u duulno sida shimbirihii oo kale, una dabaalano sidii malaayga oo kale, se wali ma aanan baramin sida dhulka loogu noolaado inagoo walaalo ah”-Martin Luther King jr.

Waxaan ogahay kan qorayga wata ee dilaya walaalkii, inuusan darajo iyo ixtiraam ku heleeyn dilka walaakii, waxaan kaloo ogahay kan la dilaayo, ineeysan reerkiisu ku farxeeyn dilkooda wiilkooda….

Waxaan u sacabo tunaa, ninka waalan waxa uu ka xishooda, waxaana ku dhaqanaa xeerar ka mamnuuc ah duurjoogta, oo kuwa hilibka cuna coowska kuma saqajaamaan, se inagu waxaan cuneeynaa hilibka walaalkeen isagoo nool iyo waliba isagoo meeyd ah.

Ugu danbeeyn, waxaan ugu baaqayaa Soomaali oo dhan, gaar ahaan inta uu qalbigooda nool yahay ineey joojiyaan dagaalka, hadii kale, dagaalada ayaa joojin doona iyaga waliba kolkii eey meeydad wada noqdaan.

W/Q: -Caawiye Ciiltire Cali


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...