Agaasimaha Komishanka Maamul Wanaaga oo Ku Baaqday In Haweenku Is Garab Istaagaan

Sunday March 08, 2026 - 13:47:15
HADHWANAAGNEWS
Deeqa Xaashi Xandulle waxay tilmaantay in haweenka Somaliland...



Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga Somaliland, Deeqa Xaashi Xandulle, ayaa ku baaqday in haweenka Somaliland ay xoojiyaan is-garab istaagga iyo dhiirrigelinta ay isu muujiyaan, si ay u sii adkeeyaan doorkooda bulshada.


 

Agaasimaha ayaa hadalkan ka sheegtay munaasabad lagu xusay Maalinta Haweenka Adduunka, halkaas oo ay sidoo kale kaga hadashay xaaladda abaarta ee ka jirta dalka.


 

Deeqa Xaashi Xandulle waxay tilmaantay in haweenka Somaliland ay door muuqda ka qaateen nabadayntii iyo dib-u-dhiska dalka, isla markaana ay yihiin laf-dhabarta bulshada oo ka qayb qaata dhinacyo badan oo horumarka qaranka ah.


 

Waxay sidoo kale xustay in marka laga hadlayo nabadaynta, qaadhaanka iyo hawlaha dib-u-dhiska dalka, haweenku ay mar walba ka mid yihiin kuwa ugu horreeya ee u istaaga taageeridda iyo horumarinta bulshada.


 

Ugu dambayn, Agaasimuhu waxay ku boorrisay haweenka Somaliland inay sii xoojiyaan wadajirkooda iyo taageerada ay isu muujiyaan, si ay uga sii muuqdaan doorka ay ku leeyihiin horumarka iyo dhismaha bulshada.

     
Loading...