Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in arrinkan ay si gaar ah uga digeen
Guddoomiyaha Gobolka Gabiley, Mudane Maxamed Cabdillahi Jaamac (Bookh), ayaa soo saaray amar lagu joojinayo dhismaha iyo rakibidda taawarada cusub ee magaalooyinka
dhexdeeda ee Gobolka Gabiley.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen cabashooyin bulsho oo ku saabsan khatar caafimaad oo ay sababi karaan taawarada (Microwaves), kuwaas oo dadka deegaanku aaminsan yihiin inay keeni karaan cudurro halis ah.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in arrinkan ay si gaar ah uga digeen guddida caafimaadka ee gobolka, kuwaas oo tilmaamay inaanay habboonayn in taawarada laga dhex dhiso meelaha ay bulshadu ku badan tahay sida iskuullada, goobaha waxbarashada, huteellada iyo xarumaha caafimaadka.
Sidaas darteed, guddoomiyuhu wuxuu amray
• In gebi ahaanba la joojiyo dhismaha taawarada cusub ee magaalooyinka dhexdeeda.
• Shirkadaha isgaadhsiinta loo fasaxay inay taawarada ka dhisaan meelaha ka baxsan gudaha magaalooyinka.
• Ciidamada booliska iyo masuuliyiinta ku shaqada lehna lagu wargeliyay inay si buuxda u fuliyaan go’aankan ilaa amar dambe.
Guddoomiyaha Gobolka Gabiley, Maxamed Cabdillahi Jaamac (Bookh), ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka qaybqaataan ilaalinta caafimaadkooda iyo badqabka deegaanka.