Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si cad u muujiyay sida uu ugu mahadcelinayo Xildhibaan Ted Cruz oo ka tirsan Aqalka Sare ee Maraykanka, kaas oo madaxweyne Donald Trump ka dalbaday in uu aqoonsado madaxbanaannida Jamhuuriyadda Somaliland. Taageeradan ayaa ah mid muujinaysa fursad weyn oo siyaasadeed iyo mid amni, iyada oo mar kale la iftiiminayo xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka.
Qoraalka uu Guddoomiye Xirsi soo saaray wuxuu muujinayaa in Somaliland ay hormood u tahay xasiloonida, dimuquraadiyadda iyo adkeysiga ee dawladaha Bariga Afrika, isla markaana ay Somaliland iyo Maraykanku wadaagaan dano badan oo ay ugu horreeyaan danaha nabadda, dimuqraaddiyadda, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Waxa uu si gaar ah u xusay kaalinta istiraatiijiyadeed ee Somaliland ay ka ciyaari karto arrimaha Amniga Badda Cas, iyo suurtagalnimada in dalka JSL uu bixiyo saldhig milatari oo ka qayb qaata la-dagaalanka argagixisada gobolka.
Taageerada Xildhibaan Ted Cruz waxay caddeyn u tahay in codka Somaliland uu gaadhay heer caalami ah, isla markaana fursad taariikhi ah uu Maraykanka u leeyahay in uu kaalin ka qaato khariirada siyaasadeed ee Bariga Afrika. Sida uu Guddoomiyaha WADDANI ku sheegay, cid kasta oo ka qayb qaadata geeddi-socodka aqoonsiga Somaliland waa la xasuusan doonaa, taasoo muujinaysa sida muhiimka ah ee arrintani tahay.
Somaliland ayaa fursad u haysata in ay ay bogoga taariikhda ku xaradho magaceeda iyo madaxbannaaniada qarannimadeeda, iyada oo si caddaalad iyo istiraatiiji ah u xoojinaysa xidhiidhada caalamiga ah iyo nabadgelyada gobolka. Taageerada siyaasadeed ee Maraykanka waa tallaabo muhiim ah oo si cad u iftiiminaya in dhowaaqayada dadaallada Somaliland ee aqoonsi-raadintu ay marayaan heer caalami oo laga maqlo fagaarayaasha siyaasadeed adduunka.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa iftiimiyay muhiimadda xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, waxaanu yidhi "Maraykanka waxa aannu wadaagnaa danno iyo arrimo badan oo wanaagsan, sida dimuqraaddiyadda, ilaalinta xuquuqda aadamaha, nabadda iyo xasilloonida. Waxaana intaas noo dheer in aannu Maraykanka wax la qaybsan karo.”
Mudane Xirsi ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay awood u leedahay in ay door muuqda ka qaadato arrimaha amniga Badda Cas iyo in ay bixiso saldhig milllateri, kaas oo awood u siinaya Maraykanka in uu kula dagaallamo argagixisada gobolka.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Madaxweyne Donald Trump uu haysto fursad dahabi ah oo uu ku beddeli karo khariirada Bariga Afrika, waxaanu yidhi "Cid kasta oo geeddigayaga aqoonsi-raadis wax ku darsata, ee maalinka aannu u baahnayn garab na siiyana ma illaabi doonno.”