Waa maxay Dawladnimadu ? Waa Adeeg bulsho .

Saturday August 09, 2025 - 13:07:43
hadhwanaagnews
Qalinkii: Cali Biixi


Dawladnimo waa eray weyn, laakiin micnihiisu waa mid kooban: adeeg bulsho oo nidaamsan, sinnaan iyo caddaalad lagu dhan yahay. Waa hannaan dadka lagu hoggaamiyo, laguna ilaaliyo noloshooda, sharaftooda iyo horumarkooda. Laakiin haddii la is weydiiyo: Dadkii reer Somaliland maxay dawladnimo u sameysteen?, jawaabtu wey adag tahay haddii la fiiriyo xaqiiqada taagan.

1- Biyo La’aan: Naf Iyo Neefba Waa Lagu Haligmay

Haddii la yiraahdo dawladnimo waa adeeg bulsho, markaas biyo la’aantu waa tallaabada koowaad ee muujinaysa burburka adeeggaas. Biyaha waa nolosha, waana in:

Dadka ay helaan biyo nadiif ah,

Xoolaha ay helaan biyo joogto ah,

Beeraha lagu waraabiyo,

Dhirta lagu ilaaliyo.

Laakiin maanta, dadkii, dalkii, iyo caasimaddiiba biyo maleh.
Xoolihii abaartu waxay ka dhigtay haraad iyo halaag.
Beerihii wax-soo-saar maleh, dhirtuna way qalashay.
Biyihii waxaa laga dhigay ganacsi qaali ah, dadkiina waa lagu khasbay inay biyo iibsadaan halkii ay dawladu ka heli lahayd.

2- Laydh: Iftiin Aan La Wada Hayn

Laydhku waa horumar, waa warshado, waa wax-soo-saar, waa shaqo abuur.
Dawladnimo la’aantu waxay ka muuqataa marka:

Magaalooyinka qaar koronto qaali ah ay ku shaqeeyaan,

Miyiga aanu iftiinba gaadhin,

Shaqaalihii, ganacsatadii iyo warshadihii ay waayaan tamartii ay ku shaqeyn lahaayeen.

Laydhkii wuxuu noqday ganacsi gaar ah, halkii uu noqon lahaa adeeg guud.

3- Caafimaad: Nolol Lacag Ku Xiran

Qofkii aan lacag heysan – si gaar ah $20,000 ama in la geeyo dibedda – haddii uu xanuunsado, wuu dhimanayaa.
Maxay tahay dawladnimo haddii:

Cusbitaalku noqdo meherad,

Dhakhtar noqon karo ganacsade,

Bukaan uu noqdo macaamiil lacag la’aan u dhimanaya?

Daryeel caafimaad oo la heli karo, waa tiirka ugu weyn ee ay ku fadhido dawladnimada.
Balse maanta, caafimaadka dadka waa ganacsi qaali ah.

4- Waxbarasho:
Aqoon Oo Lacag Ku Xidhan

Waxbarashada dalka, waxa ay noqotay ganacsi xad dhaaf ah.
Arday badan ma awoodaan:

Waxbarasho hoose, dhexe ama sare,

Inay jaamacad galaan ama xirfad bartaan.

Aqoontii dadku waxay noqotay raasamaal ay heli karaan kuwa awooda u leh oo kaliya, taasoo sii fogeysa fursad la’aanta iyo sinnaan darada.

5- Wadooyin: Go’doon Iyo Gacan La’aan

Wadooyinku waa xidhidhka isku xidha:

Suuqa iyo beeraleyda,

Magaalooyinka iyo miyiga,

Dalkii iyo dadka.

Balse maanta, wadadii dalku ma laha. Goobaha qaar ayaa si buuxda uga go’an dalka intiisa kale. Ganacsigii wuu adkaaday, noloshiina way cidhiidhi.

Gunaanad: Maxaa Mushahar Loo Qaataa Haddii Aan Shaqo Loo Hayn shacabka?

Su’aashu waxay u baahan tahay dib-u-eegis qaran:
Haddii dawladdu aanay shacabka u qaban adeeg bulsho – sidee bay dadka u matashaa?

Canshuurta shacabka la qaado,
ma waxay ku bixi kartaa mushahar?
Maxay mushaharka shaqaaluhu ku qaataan dawlada u shaqeeyaa?

Ma jiro wax biyo ah, koronto, caafimaad, waxbarasho, wadooyin iyo ilaalin.

Nabad gelyada lafteeda shicibka ayaa haya intiisa badan oo dawladi waxva kama oga shacabka ( magaalo iyo Miyi toona)askariba ma joogto tuulooyinka iyo miyiga.

Haddana dad baa maalin kasta laga qaadaa cashuur aan lagu beddelan adeeg.


Dawladnimo ma aha magac iyo calan,
waa mas’uuliyad iyo adeeg bulsho.
Haddii aysan wax u qaban shacabka, waa in la is weydiiyaa: maxay dawladnimadu inoo tahay?

Waqti Waa La Joogaa:

Waa in shacabka reer Somaliland iyo guud ahaan Somaliland:

Dib u milicsadaan sababta ay dawlad u sameeyeen.

Wax ka beddelaan nidaamka aan wax tarayn.

Codkooda ku dalbadaan adeeg bulsho oo buuxa oo ay xaq u leeyihiin.


Dawladnimo dhab ah, waa tan la dareemo. Waa tan iftiinka, biyaha, caafimaadka, aqoonta iyo waddooyinka keenta.

Cali Biixi
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...