Koronto Jaban: Xukuumadda JSL oo Dib-u-eegis Ku Samaynaysa Xeerka Adeegga Korontada

Thursday August 21, 2025 - 11:46:51
hadhwanaagnews
"Xeerkani waxa uu muhiim u yahay in la dhiso koronto jaban ...



Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Mudane Axmed Jaamac Barre, ayaa horgeeyay Golaha Wakiillada si uu uga warbixiyo dib-u-eegista iyo kaabista lagu sameynayo Xeerka Korontada Somaliland (Xeer Lr. No. 81/2018), taas oo ah tallaabo muhiim u ah horumarinta adeegga korontada dalka.

Wasiir Barre ayaa sheegay in isbeddelkan uu ka tarjumayo himilada qaranka ee ah in la helo suuq koronto oo casri ah, hufan, la awoodi karo, la isku halayn karo, isla markaana badqaba. Dib-u-habaynta xeerka ayaa ujeedadadiisu tahay in la kordhiyo tayada adeegga, lana yareeyo qiimaha korontada, isla markaana la dhiirrigeliyo maal-gashiga tamarta.

"Xeerkani waxa uu muhiim u yahay in la dhiso koronto jaban oo la awoodi karo, la isku haleyn karo, isla markaana badqabta, iyadoo la sameynayo dib-u-dhis iyo horumarin ballaadhan oo suuqa korontada ah,” ayuu Wasiir Barre ku sheegay warbixintiisa.

Tallaabadan ayaa muujinaysa sida Xukuumadda Somaliland ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan korontada, taas oo ah laf-dhabarta horumarka iyo koboca dhaqaalaha. Golaha Wakiillada ayaa la filayaa inay ka doodaaan faahfaahinta wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerkan, si loo hubiyo in siyaasadaha cusub ay u adeegaan danaha shacabka.

Dib-u-eegista xeerkan waa tallaabo lagu xaqiijinayo hirgelinta nidaam koronto oo la awoodi karo, la isku halayn karo, isla markaana dhiirrigelisa maal-gashiga gudaha iyo dibadda, taas oo door muhiim ah ka ciyaari karta dhisidda Somaliland oo hufan oo horumarsan.

     
Loading...