Tallaabooyin Dhab ah oo lagu Xoojinayo Horumarinta iyo Kobcinta Dhaqaalaha JSL

Thursday August 07, 2025 - 14:13:09
hadhwanaagnews
Waxaa kulanka guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane ....



Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxay 31-kii July 2026 ay marti-gelisay kulan muhiim ah oo bile ah, kaas oo ay isugu yimaadeen Guddida Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda. Kulankani wuxuu ahaa mid istaraatiiji ah, isla markaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa kobaca dhaqaale ee dalka iyadoo la adeegsanayo istaraatiijiyado, daraasado iyo talooyin wax-ku-ool ah.

Waxaa kulanka guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan, waxaana si qoto dheer loo falanqeeyay qodobo muhiim ah oo sal u ah mustaqbalka dhaqaalaha Somaliland. Waxyaabaha sida gaarka ah looga dooday waxaa ka mid ahaa istaraatiijiyadda sannadka 2025 oo ah qorshe-hawleed dhammaystiran oo lagu hagayo horumarka dhaqaalaha dalka. Ka isagoo xooga saaraya kor u qaadista wax-soo-saarka gudaha, dhisidda kalsoonida maalgashiga, xoojinta hay’adaha dhaqaalaha, iyo sare u qaadista dakhliga guud ee dalka.

Ansixinta iyo Qiimaynta Istaraatiijiyadda Horumarinta Dhaqaalaha 2025:

Qodobada ugu muhiimsanaa ee kulanka laga dooday waxa ka mid ahaa ansixinta iyo qiimaynta istaraatiijiyadda horumarinta dhaqaalaha ee sannadka 2025. Istaraatiijiyaddan cusub waxa si xeel-dheer loogu dhisay iyada oo laga duulayo Hiigsiga Somaliland ee 2030 iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad, si loo helo koboc dhaqaale oo waara, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha bulshada iyo isbedelka xilligan.

Qiimaynta Daraasadda Wax-soosaarka Dalka iyo kobcinta ilaha dhaqaalaha:

Sidoo kale qodobada diiradda lagu saaray kulanka Guddida Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda ayaa ahaa qiimaynta iyo falanqaynta daraasadda ku saabsan wax-soo-saarka gudaha ee dalka. Daraasaddan oo muddooyinkii u dambeeyay ay ka shaqaynayeen guddiyo farsamo oo isugu jira khubaro wasaaradeed iyo la-taliye yaal, waxay diiradda saartay sida loo kobcin karo ilaha dhaqaalaha gudaha. Qiimayntan waxa ay ujeeddadeedu tahay in laga helo xog dhab ah oo lagu saleeyo go’aan qaadashada siyaasadeed iyo in la diyaariyo istaraatiijiyado lagu gaadho isku filnaasho dhaqaale.

Qorsheynta Shirka Sanadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha:

Kulanka Guddid Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda waxa sidoo kale diiradda lagu saarayqorsheynta iyo qabanqaabada Shirka Sanadlaha ah ee Madasha Horumarinta Dhaqaalaha, oo ah madal heer qaran ah oo muhiim u ah wada-tashiga iyo horumarinta siyaasadaha dhaqaalaha dalka. Iyad aoo shirkaasi uu noqday saaxadistiraatiiji ah oo lagu mideeyo fikirka horumarineed, taasoo sare u qaadaysa waxtarka qorsheyaasha dhaqaale iyo hufnaanta hirgelintooda.

Waxa si weyn loo muujiyay muhiimadda iskaashiga ka dhaxeeya wasaaradaha ay khusayso arrimaha dhaqaale, gaar ahaan doorka hoggaamineed ee ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda. Waxaa sidoo kale la xusay in kulankan uu daba socdo dadaallo hore oo madaxda qaranku ka wadeen sidii loo heli lahaa hannaan isku xidhan oo dhaqaale.

Wasiirka Maaliyadda, Md. Cabdillaahi Xasan Aadan, ayaa u mahadceliyay guddida Golaha Dhaqaalaha ee Xukuumadda, isagoo tilmaamay in kulanku uu kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo horumar laga gaardhy qodobadii miiska saarnaa. Waxaa sidoo kale la qorsheeyay shirar dheeraad ah oo horumar dheeri ah lagu gaadhayo.

Gunaanad:

Kulankan waxa uu muujinayaa in Xukuumadda Somaliland ay si dhab ah u wado qorsheyaal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, taas oo caddeyn u ah in Somaliland si tartiib ah ugu socoto dhabbaha go’aan-qaadasho istiraatiiji ah oo ku saleysan daraasado, falanqayn iyo wada-tashi dhab ah.

     
Loading...