Tayada wax-soo-saarka beeraleyda iyo nafaqada xoolaha waxay si toos ah ugu xidhan tahay horumarka dhaqaalaha, sugnaanta cuntada, iyo daryeelka deegaanka. Sidaas darteed, tallaabo kasta oo lagu horumarinayo aqoonta beeraleyda iyo tayada calafka xoolaha waa mid sal u ah mustaqbal dhaqaale oo waara.
Tababarkii dhawaan ka furmay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal, oo uu daah-furay Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland, Mudane Maxamed Kayse Axmed, waxa uu muujinayaa dadaal dhab ah oo lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadda dadka beeraleyda ah ee dalka. Tababarkani wuxuu muhiim u yahay sidii loo heli lahaa calaf tayo leh oo xooluhu ka helaan nafaqo buuxda, taasoo kor u qaadaysa wax-soo-saarka caanaha, hilibka iyo caafimaadka guud ee xoolaha, kuwaas oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha reer guuraaga iyo beeraleyda.
Waxaynu joognaa xilli isbedelka cimiladu uu si gaar ah u saameynayo nolosha iyo dhaqaalaha reer miyiga, waxaana looga baahanyahay in hay’adaha dawliga ah ay door muuqda ka qaataan u diyaarinta bulshada aqoon iyo agab ay kaga hortagaan caqabadahaas. Dadaalka Hay’adda Dhawrista Tayada, Hay’adda FAO, iyo taageerada SDC (Swiss Agency for Development and Cooperation), oo qayb ka ah mashruuca SIRAII, waxa uu tusaale fiican u yahay iskaashi midho-dhal ah oo u dhexeeya hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.
Sidoo kale, kormeerka uu Guddoomiyuhu ku tagay xafiiska hay’adda ee Gobolka Awdal iyo kulankii uu la qaatay shaqaalaha hay’adda, wuxuu xoojinayaa laguna dhiirrigelinayaa in la dardargeliyo howlaha la xidhiidha ilaalinta tayada wax-soo-saarka. Waa mid ka tarjumaysa hoggaan daacad ah oo damiirkiisu ku xidhan yahay shaqada qaranka.
Haddii aynu doonayno in aynu suuqyada caalamka la tartanno, waxaa lama huraan ah in la sugo tayada badeecadaha dalka, gaar ahaan kuwa la xidhiidha xoolaha iyo beeralayda oo ah laf-dhabarta nolosha miyiga iyo dhaqaalaha Somaliland.
Waxaanu halkan uga diraynaa hambalyo iyo dhiirrigelin dhammaan hay’adaha ku lugta leh mashruucan, gaar ahaan Hay’adda Dhawrista Tayada JSL oo muujisay firfircooni muuqata. Waxaa la gudboon beeraleyda iyo soo-saareyaasha in ay ka faa’iidaystaan tababaradan, si ay ugu beddelaan aqoon wax-ku-ool ah oo ay ku horumariyaan noloshooda iyo tan bulshadooda. "Tayada calafku waa tayada xoolaha, tayada xooluhuna waa tayada dhaqaalaha Qaranka”.
Ujeeddooyinka iyo Saameynta Mashruuca SIRAII:
Mashruuca SIRA II ee Somaliland waxa uu diiradda saaraya horumarinta silsiladda qiimaha calafka xoolaha, sidoo kale Mashruucan waxa uu ka qeyb qaadanayaa xoojinta awoodda bulshada ee ku aaddan iska caabinta xaaladaha cimilada ee isbeddelaya iyo abaaraha. Iyada oo mashruucu si toos ah diiradda u saarayo:-
Horumarinta Wax-soo-saarka Calafka:Mashruucu waxa uu kor u qaaday wax-soo-saarka calafka iyadoo la dhisay 35 xarumood oo kaydinta calafka ah oo ku yaalla degmooyinka Gabiley, Baki, iyo Borama. Xarumahan waxa ay u oggolaanayaan beeralayda iyo ururada calafka in ay si hufan u kaydiyaan una suuq geeyaan wax-soo-saarkooda. 25 ka mid ah xarumahan waxa gacanta ku hayaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo bulshada maxalliga ah, iyadoo Wasaaraddu ay u xil saaran tahay hubinta helitaanka cadaaladda, halka ururada beeralayda ee calafka ay maamulaan hawlaha maalinlaha ah.
Kor u Qaadista Dakhliga iyo Is-dhexgalka Bulshada:Mashruucu waxa uu taageerayaa 7,500 oo qoys oo ku nool gobollada Awdal iyo Maroodi-jeex, iyadoo 50% ka mid ah ay yihiin haween. Mashruucu waxa uu kobcinayaa dakhliga qoysaska iyada oo loo marayo suuq-geynta calafka iyo xoojinta awoodda farsamo ee ururada beeralayda
Taageeridda Xoolaha iyo Horumarinta Cuntada: Mashruucu waxa uu sidoo kale diiradda saaraya horumarinta nafaqada xoolaha iyo xoojinta silsiladda qiimaha xoolaha, taas oo ka caawinaysa bulshada inay helaan xoolo caafimaad qaba oo nafaqo leh.
Saameynta iyo Aragtiyaha Bulshada:Mashruuca SIRA II waxa uu saameyn togan ku yeeshay bulshada maxalliga ah, gaar ahaan beeralayda iyo ururada calafka, iyadoo la xoojiyay awoodda ay u leeyihiin inay suuq-geeyaan wax-soo-saarkooda una helaan dakhli dheeraad ah. Sidoo kale, waxa uu ka caawiyay bulshada inay si wanaagsan uga jawaabaan xaaladaha cimilada ee isbeddelaya iyo abaaraha, taas oo ka dhigaysa bulshada mid adkaysi badan oo isku filan.
Gabagabo:
Mashruuca SIRA II ee Somaliland waxa uu tusaale u yahay sida iskaashiga hay’adaha caalamiga ah iyo dowladda Somaliladn ay uga shaqeyn karaan horumarinta bulshada iyo xoojinta awoodda bulshada ee ku aaddan iska caabinta xaaladaha cimilada ee isbeddelaya. Mashruucu waxa uu sidoo kale muujinayaa sida loo horumarin karo silsiladda qiimaha calafka si loo gaadho horumar waara oo ka faa’iideysta dhammaan xubnaha bulshada.