Isbeddelka Dhinaca Tamarta ee ka Socda Somaliland

Sunday July 20, 2025 - 11:01:55
hadhwanaagnews
Mashruuca SESRP waxa uu astaan u yahay hal-ku-dhigga



Qiimaynta iyo daraasadda lagu sameeyay Mashruuca dib-u-soo-kabashada Korontada Somaliland ee (Somaliland Energy Sector Recovery Project (ESRP) oo si rasmi ah loogu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa uu noqday ifafaalo muujinaya horumar dhab ah oo dhinaca tamarta ah. Kulankan muhiimka ah oo socday muddo toban cisho ah, waxa si wadajir ah uga qaybgalay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Komiishanka Tamarta Somaliland iyo Baanka Adduunka, taas oo astaan u ah in mashruucani yahay mid ku taagan iskaashi dhab ah oo qaran iyo mid caalami ah ba.

Wafdiga madashaasi ka qayb-galay waxa hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Komishanka Tamarta Somaliland, Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow), kaas oo iftiimiyay hannaanka farsamo iyo diyaar garowga hay’adaha tamarta ee Somaliland si ay ula jaanqaadaan baahiyaha isbeddelaya ee shacabka iyo dhaqaalaha dalka.

Mashruuca SESRP waxa uu astaan u yahay hal-ku-dhigga horumarka Somaliland ee ku salaysan waxqabad muuqda, shuruuc caddaalad ah iyo qorshe-qaran oo xeel-dheer. Dib u eegista la sameeyay waxay si geesinimo leh u dul istaagtay afar tiir oo muhiim u ah mashruuca, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: Xaalada hirgelintiisa, xaqiijinta ujeedooyinkiisa horumarineed, falanqeynta caqabadaha jira iyo diyaarinta qorshaha hawlgalka lixda bilood ee soo socda.

Waxaa si gaar ah bogaadin u mudan hannaanka hufan ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL ay u hoggaaminayso dadaallada lagu gaadhayo yoolka qaranka ee tamarta e ah, koronto jaban, la isku hallayn karo, badqabta, kana timaadda ilo kala duwan oo lagu kalsoonaan karo. Waxa la arkaa in siyaasadda tamarta, istiraatiijiyadda tobanka sanno ee aagga Tamarta, iyo Xeerka Tamarta Somaliland ay noqdeen saldhigyo sharci iyo qorshe xeel dheer oo lagu dhaqo daneeyayaasha ay khusayso arrintani.

Komishanka Tamarta Somaliland, iyaguna, waxay muujiyeen kaalintooda la xidhiidha nidaaminta iyo isku duba-ridka hawlahan shaqo, iyaga oo hirgelinaya xeer-nidaamiyayaal, habraacyo iyo hagayaal suuqeed oo fure u noqonaya xasilooni iyo hufnaan. Nidaamkan ayaa muhiim u ah la-dagaallanka sicir-bararka korontada, xakamaynta shaqooyinka sharci-darrada ah, iyo dhiirrigelinta maal-gashiga gudaha iyo maalgashadayaashas caalamiga ah.

Mashruucani wuxuu ka mid yahay barnaamijyada istiraatiijiyadeed ee lafdhabarta u ah yoolka Qaranka ee ah in bulshada Somaliland hesho koronto jaban, la isku hallayn karo, badqabta, isla markaana ka timaadda ilo tamareed oo waara. Warbixinnada la soo bandhigay waxay iftiimiyeen horumar la taaban karo oo laga sameeyay afarta qaybood ee mashruucu ka kooban yahay, iyadoo la xoojinayo nidaamka sharciyeed, maamulka suuqyada tamarta, iyo isku xidhka daneeyayaasha muhiimka ah.

Sidoo kale, madasha ESWG ee aagga Tamarta waxay muujisay in isku xidhka daneeyayaasha, gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay iyo bulshada, uu yahay furaha guusha mashruuca. Xukuumadda Somaliland waxa ay halgan ugu jirtaa in la helo nidaam tamareed sugan oo kobcin kara dhaqaalaha, dardargelin kara adeegyada bulshada, una sahlaya ganacsiyada yar-yar iyo kuwa waaweynba korodh joogto ah.

Taageerada Baanka Adduunka ee mashruuca SESRP wuxuu noqoday tiir muhiim ah oo lagu dhisayo kalsoonida Somaliland ku leedahay iskaashiga horumarineed ee caalamiga ah. Waa tusaale ka tarjumaaya sida ay Somaliland uga go’an tahay la shaqeynta beesha caalamka, iyadoo ilaalinaysa madax-bannaanideeda iyo qiyamka dowladnimadeeda.

Gunaanad, Mashruuca SESRP waa tusaale ka mid ah sida himilooyinka qaranku isu beddeli karaan ficil wax ku ool ah marka la helo hoggaan, wadajir, iyo taageero farsamo. Taas oo si weyn u xoojin kara iskaashiga, korna u qaadaya ujeedada guud ee ah in muwaadinka Somaliland uu helo koronto tayo leh, la awoodi karo, una adeegta nolosha iyo mustaqbalka muwaadiniinta.

Xogta Mashruuca Dib-u-soo-kabashada Korontada Somaliland (ESRP)

Mashruuca dib-u-soo-kabashada Korontada Somaliland (ESRP) waa mashruuc horumarineed oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Komishanka Tamarta Somaliland, iyo Baanka Adduunka. Ujeeddadiisu waa in la dhiso adeeg koronto oo la isku halayn karo, jaban, badqaba, kana yimaadda ilo kala duwan oo waara.

Ujeeddooyinka Mashruuca ayaa ah In koronto rasmi ah loo fidiyo kumanaan qoys oo ku nool magaalooyinka waaweyn iyo bulshooyinka nugul ee ku nool goobaha ka baxsan magaalooyinka waawayn; In la xoojiyo awoodda hay’adaha dowladda ee tamarta; In la abuuro suuq tamareed furan oo la nidaamiyo; In la yareeyo qiimaha korontada oo aad qaali u ah hadda iyo In la kobciyo dhaqaalaha, shaqo-abuurka, iyo adeegyada bulshada.

Mashruuca ESRP waxa uu ka mid yahay mashaariicda ugu muhiimsan ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland. Wuxuu door weyn ka ciyaarayaa helitaanka tamar waarta, dardargelinta horumarka, iyo xoojinta dawladnimada Somaliland.

 

     
Loading...