Daahfurka Madasha Wada-tashiga Ganacsiga: Himilada Horumarka Dhaqaalaha Dalka Somaliland

Thursday July 17, 2025 - 14:47:07
hadhwanaagnews
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska,




Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markale muujisay hal-abuur siyaasadeed iyo hannaan horumarineed oo ku saleysan wada-tashi, iskaashi caalami ah iyo dhiirrigelin firfircoon oo lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka. Daah-furka rasmiga ah ee Madasha Wada-tashiga Ganacsiga iyo Saadka Somaliland (Somaliland Trade and Logistics Platform Roundtable Workshop) oo ay si wadajir ah u qabteen Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo Shirkadda caalamiga ah ee Triple Line Consulting, ayaa astaan u ah jihada cusub ee ay Somaliland ku doonayso in ay ku gaadho koboc dhaqaale oo waara, xilli dalalka caalamku ay tartan adag ugu jiraan kasbashada maalgashiga, ka faa’iidaysiga juquraafiyadda istaraatiijiga ah ee Somalialnd iyo suuq-geynta fursadaha saadka iyo ganacsiga ee ay dalkan xasiloon ee dimuquraadiga ah.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda, Mudane Jawhar Siciid Warsame ayaa si rasmi ah u daah-furay madashan, waxana ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas, Mudane Maxamuud Xuseen Aadan (Jabaake). Sidoo kale, madasha waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab), Maareeyaha Guud ee Dekedaha Somaliland iyo Mr. Jamie Simpson oo ka tirsan saaxiibada caalamiga ah ee la shaqeeya wasaaradaha horumarinta dhaqaalaha dalka.

Qodobada Muhiimka ah ee ay Madashani Muujisay:

  1. Bisaylka Hay’adaha Qaranka

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, iyada oo kaashanaysa daneeyayaal ay ka mid yihiin Wasaaradda Gaadiidka, Maareeyaha Dekedaha, iyo khubaro caalami ah sida Jamie Simpson, waxay muujisay diyaar-garow istiraatiiji ah oo lagu doonayo in dib u eegis qoto dheer lagu sameeyo hannaanka ganacsi iyo saadka ee dalka, si loogu dhiso jawi tartan furan, hufnaan isla markaana leh isku xidhnaan dhul iyo bad ah.

  1. Iskaashiga Dhabta ah ee Dawladda iyo Ganacsatada:

Shirkan wuxuu furay bog cusub oo wada-tashi iyo wada-shaqayn qaran ah oo dhex martay dowladda iyo ganacsatada gudaha, si wadajir loogu horumariyo kaabayaasha ganacsi ee muhiimka u ah koboca dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha, waddooyinka, nidaamka cashuuraha, iyo habraacyada xuduudaha.

  1. Aragti Xooggan oo ku Salaysan Xog-ururin:

Warbixinnada laga soo jeediyay safarrada shaqo ee ay masuuliyiinta wasaaraddu ku tageen magaalooyinka sida Wajaale, Burco, iyo Ceerigaabo, ayaa ka tarjumaya xeel-dheerida qorsheynta hawlaha horumarineed ee ay gacanta ku hayso, iyadoo la tixraacayo caqabadaha dhabta ah ee ka jira suuqyada gudaha, sida sarifka kala duwan ee lacagaha, gaadiidka xuduudaha isaga goosha, iyo xaaladda xabkaha iyo faleenka, taas oo todobaadkan lagu soo bandhigay shir hawleedka todobaadlaha ah ee wasaaraddas.

  1. Isla Xisaabtan iyo Maamul Hufan:

Kulankii toddobaadlaha ahaa ee ka dhacay xarunta Wasaaradda Ganacsiga ayaa lagu xoojiyay muhiimadda, joogitaanka shaqaalaha, hirgelinta awoodda fulinta ee madaxweynaha, iyo dardar-gelinta shaqada waaxyaha si loo dhiso wasaarad la jaanqaadi karta baahiyaha qarnigan.

Fursadaha laga Filan Karo Madashan:

Madasha Wada-tashiga Ganacsiga iyo Saadka waxa ay fure u noqon kartaa: In Somaliland hesho hannaan casri ah oo isku xidha ganacsiga dekedaha, xuduudaha, iyo suuqyada gudaha. In la dardar-geliyo maalgashiga kaabayaasha saadka iyo in la helo jawi sharci iyo hab-maamul sugan oo lagu kalsoonaan karo iyo In la helo xog ururin rasmi ah oo sal u noqon karta qaabaynta siyaasado ganacsi oo waafaqsan xaqiiqada suuqyada deegaanka.

Daah-furka madashani waa tallaabo dhanka saxda ah loo qaaday. Waxa uu muujinayaa in Somaliland ay u jihaysan tahay dhisidda dhaqaale casri ah oo isku xidha ganacsatada, dowladda, iyo daneeyayaasha kale ee gudaha iyo dibadda. Waa tallaabo mudan in si joogto ah loo sii wado, loona kobciyo, si ay u noqoto madal qaran oo wax-ku-ool ah oo horseedi karta koboc dhaqaale, maalgelin, iyo shaqo-abuur baaxad leh. Waa waajib qaran in madalaha noocan ah laga dhigo kuwo rasmi ah, tiro badan oo joogto ah, si Somaliland uga faa’iideysato fursadaha ganacsi iyo saadka ee ay leedahay.

Intii lagu guda jiray daah-furka Madasha Wada-tashiga Ganacsiga iyo Saadka Somaliland, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Jawhar Siciid Warsam iyo Agaasimaha Guud, Mudane Maxamuud Xuseen Aadan ayaa si qoto-dheer u muujiyay aragtida dowladda ee ku wajahan kobcinta ganacsiga, casriyeynta saadka iyo kor u qaadidda maalgashiga.

Agaasimaha guud mudane Maxamuud wuxuu muujiyey aragti istiraatiiji ah oo ah in madashani aanay noqon mid ah falanqeyn kaliya, balse ay noqoto aalad wax-ku-ool ah oo maan-gal u noqota ganacsatada, maalgashadayaasha, iyo hay’adaha. Hadalkiisu wuxuu iftiiminayaa muhiimadda madashu ay leedahay, gaar ahaan: Soo jiidashada maalgashi gudaha iyo dibadeed ah; Fududeynta isku socodka badeecadaha ee u dhaxeeya dekedaha, xuduudaha iyo suuqyada gudaha iyo dhisidda kalsooni lagu qabo deegaanka ganacsi ee Somaliland. "Madashani waa in ay noqotaa mid wax tar leh, laguna soo jiidan karo maal-gashadeyaal, isla markaana kaalin weyn ka qaadata fududeynta isu socodka ganacsiga gudaha iyo dibaddaba,” ayuu yidhi.

Hadalka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland mudane Jawhar Siciid Warsame hadalka uu ka jeediyay madasha ayaa si cad u muujinaya jihada istiraatiijiga ah ee ay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland u qaadayso horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan dhankaganacsiga iyo saadka.Waa hadal ka tarjumayaaragti siyaasadeed oo furan, kuna salaysan cilmi iyo doonista isbedel horumarineed oodhab ah.

Mudane Jawhar Siciid Warsame wuxuu si xikmad leh u muujiyay doorka dawladdu ay ku yeelan karto kobcinta dhaqaalaha iyada oo loo marayodib-u-habeyn nidaam, iskaashi dhinacyo badan leh, iyo hal-abuur siyaasadeed. Waa hadal u qalma in laga dhigohagayaal siyaasadeed iyo fure horumarineedoo jaangoyn kara tiigsiga mustaqbal dhaqaale oo cusub. Waxaanu yidhi "Muhiimadda kulankeennu waa in aynu dib u eegis ku samayno hannaanka ganacsi ee jira, si loo horumariyo waxtarka, hufnaanta, iyo fududeynta isku socodka ganacsiga iyo in la garto caqabadaha hortaagan ganacsiga iyo saadka, loona helo xalal waara oo wax-ku-ool ah.”

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo shirkadd Triple Line Consulting ayaa si wad jir ah isaga kaashanaya hawshan, shirkaddan caalamiga ah ayaa bixisa adeegyo latalin iyo cilmi-baadhis, taas oo ku saleysan horumar waara (sustainable development). Shirkaddu waxay si gaar ah diiradda u saartaa: Kobcinta dhaqaalaha iyada oo la taageerayo ganacsiga, maalgashiga, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Sidoo kale waxay diirrada saartaa arrimaha Maamul wanaagga iyo hay’adaha dawliga ah iyada oo gacan ka geysaneysa horumarinta siyaasadaha iyo habraacyada hufan.

Shirkadda Triple Line Consulting ayaa fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, iyada oo xafiiskeeda guud uu ku yaallo magaalada London. Waxay qeyb ka tahay IPE Global Group oo ah hay’ad weyn oo horumarineed oo ka hawlgasha Aasiya, Afrika, iyo Bariga Dhexe. Shirkaddu waxay bixisaa adeegyo ay ka mid yihiin:

  1. Qiimayn iyo la-socod (Monitoring, Evaluation, and Learning – MEL).
  2. Cilmi-baashis iyo falanqeyn siyaasadeed.
  3. Horumarinta istaraatijiyado iyo mashaariic horumarineed
  4. Taageerada dowlad wanaagga iyo la-talinta hay’adaha
  5. Xoojinta iskaashiga dawladaha iyo ganacsiga.

Triple Line Consulting waxay leedahay khibrad ballaadhan, xidhiidhyo caalami ah, iyo aqoon ku saleysan falanqeyn istiraatiiji ah. Wadahawlgalka shirkaddani la leedahay Somaliland, haddii si hufan loo maamulo, wuxuu noqon karaa mid wax ka beddela habka loo wajahayo horumarinta ganacsiga, suuq-geynta suuqyada dalka, iyo hirgelinta siyaasado dhaqaale oo waara.

     
Loading...