Saddexda xisbi qaran ee WADDANI, KAAH iyo KULMIYE ayaa ka hadlay nuxurka iyo muhiimadda kulankii ay shalay la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaas oo ka qabsoomay xarunta qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Kulankan Madaxweynaha iyo Xisbiyada Qaranka oo diiradda lagu saaray adkaynta midnimada iyo wada-jirka Qaranka, ilaalinta xasilloonida Siyaasadeed ee dalka, iyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa arrimaha masiiriga ah ee Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland taabanaya, ayaa sidoo kale si adag loogu cambaareeyey fara-gelinta qaawan ee ma’suuliyad darrada ah ee ay Dawladda Muqdisho ku hayso bariga Gobolka Sool ee Somaliland.
Warbaahinta xisbiga KULMIYE ayaa sheegtay in hoggaanka xisbiga oo uu horkacayey Guddoomiye Maxamed Kaahin Axmed ay si rasmi ah uga qayb-galeen shirkii shalay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) la yeeshay saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo KAAH.
Sidoo kale, Afhayeenka xisbiga KULMIYE Mustafe Cabdi Ciise ayaa sharraxaad ka bixiyay qodobadii lagaga wadahadlay kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo xisbiyada qaranka, waxaanu tilmaamay in waxyaabaha ugu mihiimsan ee shirkaasi lagaga wada-hadlay ay ahaayeen fero-glinta dawladda Muqdisho ay ka waddo bariga gobolka Sool, arrimaha diwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland iyo xogwaran madaxweynaha qaranku ka siiyay xisibiyada waxyaabihii uga soo qabsoomay safaraddii ugu dambeeyay ee uu dalka dibadiisa ku tagay.
Afhayeenka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Shirkaas waxa lagaga wada hadlay oo lagaga arinsanayey xaaladaha guud ee dalka. Arrimaha ugu wawayn ee shirka lagaga hadlay waxa ka mid ahaa: Arinta diwaan-galinta oo laysla qaatay in loo daayo Xisbiyada qaranka iyo guddiga doorashooyinka qaranka in ay iyagu ka gadhaan go’aan, islana eegaan hawshaas, in madaxweynaha iyo xisbiyadu ay isla gorfeeyaan xaaladda ka taagan bariga gobolka Sool, iska markaasna laga wada xaajoodo oo go’aan midaysan laga wada qaato arrintaas. iyo in Madaxweynaha Somaliland uu xisbiyada qaranka faahfaahin ka siiyo waxyaabihiii uga soo qabsoomay safaraddii uu ku tagay dalka dibadiisa. Sadexdaa qodob ayaa maanta la isla qaatay.”
Dhinaca kale, Warbaahinta xisbiga Kaah, ayaa sheegtay in hoggaanka sare ee xisbiga KAAH, ay ka qayb-galeen kulanka Madaxaweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) la yeeshay Madaxda saddexda xisbi Qaran ee KAAH, KULMIYE Iyo WADDANI.
Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta internetka (Facebook) ee xisbiga Kaah, ayaa lagu yidhi "Hoggaanka xisbiga KAAH, ayaa ka qayb-galay shir Madaxaweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) la yeeshay Madaxda saddexda xisbi Qaran ee KAAH, KULMIYE Iyo WADDANI.”
Sidoo kael, Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa oo war ka soo saaray kullanka xisbiyada Qaranku ay la qaateen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa kulankan ku faahfaahiyay war kooban oo uu ku baahiyay degalkiisa Facbook waxaanu u dhignaa sidan:- "Kulan lagaga tashanayo arrimaha Qaranka, gaar ahaan waxyaabaha ku cusub mandaqadda iyo isxogwaraysi ku saabsan doorashooyinka ayuu maanta (shalay) nala yeeshay Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Shirkan oo ay qayb ka ahaayeen madaxda xisbiyada Qaranka JSL, ayaa uu madaxweynuhu faahfaahin buuxda naga siiyey xaaladda dalka, iyada oo aannu isweydaarsannay talooyin dhaxalgal ah, waxaana aannu u ballannay kulanno iyo wadatashiyo dambe”.