Mid ka mid ah ganacsatada ugu qanisan Nigeria, Aminu Dantata, ayaa lagu aasayaa dalka Sacuudiga ka dib markii uu Sabtidii ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta. Ganacsade Dantata, oo 94 jir ah, waxa uu ka tirsan yahay qoyska Dangote, wuxuuna adeer u yahay ninka ugu taajirsan Afrika Aliko Dangote.
Aminu Dantata, ayaa ka tagay saddex xaas, 21 carruur ah iyo 121 uu awoowe u yahay. Meydkiisa ayaa laga soo wareejiyay Abu Dhabi halkaas oo uu ku geeriyooday waxaana loo wareejiyey magaalada barakeysan ee Madiina kadib markii maamulka Sacuudiga ay ogolaadeen in lagu aaso dalkooda.
Aminu Dantata, ayaa ku dar-daarmay in lagu aaso magaaladii uu ku noolaa nebi Islaami Muxamed kuna dhintay. Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa bayaan uu soo saaray ku tilmaamay geerida Dantata inay tahay "qof weyn oo ka baxay qaranka”.
Waxa uu sheegay in Dantata uu ka qayb qaatay wax ku biirinta wanaagsan ee kobaca dhaqaalaha Nigeria, ilaa tobanaan sano oo ganacsi, adeeg, iyo samafal ah.
Waxa uu caan ku ahaa Nigeria oo dhan hawlihiisa samafalka. Sannadkii hore, waxa uu ugu deeqay 1.5 bilyan oo naira ($972,000; £710,000) dhibanayaasha daadadka xun-xun ee ka dhacay waqooyi-bari gobolka Borno.
Danihiisa ganacsi ayaa kobciyey beerashada, hantida ma guurtada ah, dhismaha iyo wax soo saarka.
Waxa uu markii ugu horaysay magaciisu ku caab baxay beeraha, isaga oo bilaabay ka ganacsiga kola lawska iyo lawska laftiisa sanadkii 1940-kii.
Waxa uu ka yimid qoys ganacsi – Aabihiis Alhassan Dantata waxa mar loo tirinayey inuu yahay maalqabeenka ugu qanisan Galbeedka Afrika.
Inkasta oo uu qani ahaa, Dantata wuxuu ku noolaa mid ka mid ah meelaha ugu saboolsan waqooyiga magaalada Kano, halkaas oo waalidkii isaga ka horreeyayna ku noolaayeen.
Saameyntiisa ayaa sidoo kale laga dareemay siyaasadda, iyada oo siyaasiyiintu ay u hamuun qabeen inay raadiyaan barakadiisa ka hor doorashada.
MadaxweynahaTinubu oo salaamaya isaga oo madax foororinaya ayaa lagu wadaagay baraha bulshada, waxay ahayd doorashada ka hor 2023-kii.
Duco gaar ah ayaa loogu sameeyay Kano, halkaas oo uu ku noolaa noloshiisa oo dhan.
Laba guddoomiye gobol oo ka tirsan Nigeria iyo afar wasiir oo ka tirsan dowladda ayaa aaskiisa u tagay magaalada Madiina.
Dantata waxa uu bartay waxbarashada Islaamka, ka hor intii aanu aadin dugsi sare oo uu aabihii ka dhisay Kano. Waraysi uu mar hore siiyey Trust TV waxa uu yidhi "Qoyskayaga, ilmuhu wuxuu bilaabaa inuu barto sida lacag loo kasbado markuu gaadho shan, lix ama toddobo jir,”.
"Aabahay wuxuu noo sheegi jiray: ‘Waxaad aragtaan sida dadku lawska ugu keenaan dameeraha iyo jawaannada – waa inaad sidoo kale taqaanaan sida loo bilaabo lacag.’ Xilliyada fasaxa dugsiga, aabbahay waxa uu wakhtiga ka faa’iidaysan jiray si uu noo baro sida loo ganacsado,” ayuu yidhi.
Waxa uu bilaabay in uu si buuxda u ganacsi galo 17-kii, isaga oo kala wareegay walaalkiis Ahmadu Dantata oo madax ka ahaa ganacsigii uu aabihii ka aasaasay Bichi 1950-meeyadii.