Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK oo Booqday Ciidamada Difaaca Cirka ee Ingiriiska ee ku Sugan Sacuudiga

Saturday March 14, 2026 - 12:11:06
HADHWANAAGNEWS
U qaybsanaha difaaca UK ee Riyadh, Brigadier Ben Wilde,



Xoghayaha arrimaha dibadda ee Boqortooyada Ingiriiska (UK), Yvette Cooper, ayaa booqatay cutub ka tirsan Ciidanka Difaaca Cirka ee Ingiriiska oo ka hawlgala saxaraha Sacuudi Carabiya.


 

Cooper ayaa sheegtay in joogitaanka ciidamada madaafiicda ee UK uu qayb ka yahay ballanqaadka difaac ee Boqortooyada Ingiriiska ee ku aaddan Sacuudi Carabiya iyo dalalka deriska la ah ee Khaliijka Carabta.


 

Hawlgalkan oo loo bixiyay Hawlgalka Crossways ayaa la bilaabay sannadkii 2022, balse wuxuu noqday mid aad muhiim u ah xilligan, maadaama Iiraan lagu eedeeyay inay si joogto ah u fuliso weerarro ka dhan ah dalalka deriska ah iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), gantaalada safarka iyo gantaalada ballistic-ga.


 

U qaybsanaha difaaca UK ee Riyadh, Brigadier Ben Wilde, ayaa sheegay in Iiraan ay inta badan bartilmaameedsato ciidamada Mareykanka ee gobolka iyo sidoo kale goobaha dhaqaalaha, balse uu xusay in Ingiriisku weli uusan si toos ah u noqon bartilmaameed.


 

Dhanka kale, Yvette Cooper ayaa si kulul u dhaleecaysay Ruushka iyo Iiraan, iyadoo sheegtay in labada dal ay isku dayayaan inay saameyn ku yeeshaan ama xannibaan dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan iyagoo xaddidaya maraakiibta mara marin-biyoodka Hormuz.


 

Cooper ayaa sidoo kale sheegtay in UK aysan dabcin doonin cunaqabataynta saaran Ruushka, inkastoo ay ka fogaatay inay si toos ah u dhaleeceyso go’aanka Mareykanka ee ku saabsan cunaqabataynta.

     
Loading...