Qiimaha saliidda adduunka ayaa kor u kacay ka dib markii Israa’iil ay ay weerar ku garaacday Iran, xiisadaas oo saamaysay Bariga Dhexe.
Qiimaha halbeegga ah Brent ee lagu cabiro Saliida ceydhin ayaa kor u kacay in ka badan 10%, isaga oo gaaray heerkiisii ugu sarreeyay tan iyo bishii January.
Ganacsatadu waxay ka walaacsanaayeen in iskahorimaadka u dhexeeya Iran iyo Israel uu carqaladeeyo saadka ka imanaya gobolka tamarta qaniga ku ah ee Bariga dhexe.
Qiimaha saliidda caydhin waxay saamaysaa wax kasta laga bilaabo ilaa gaadhigaaga, ilaa qiimaha cuntada ee dukaamada waaweyn.
Kadib weerarkii Israa’iil, ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in Iran ay dalkeeda u dirtay ku dhawaad 100 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn.
Falanqeeyayaasha ayaa BBC-da u sheegay in ganacsatada tamarta ay hadda isha ku hayaan sida ay colaadda uga sii dari doonto maalmaha soo socda.
"Waa xaalad qaraxyo ah, walow ay tahay mid si degdeg ah loo dejin karo sidii aan aragnay bilihii April iyo October ee sannadkii hore, markaas oo Israa’iil iyo Iran ay si toos ah isu weerareen,” ayuu Vandana Hari oo ka tirsan Vanda Insights u sheegay BBC.
"Waxay sidoo kale isu rogi kartaa dagaal ka weyn oo carqaladeeya saadka saliidda ee Mideast, barriga dhexe” ayay raacisay.
Falanqeeyayaasha ka tirsan Capital Economics ayaa sheegay in haddii la bartilmaameedsado wax soo saarka saliidda iyo dhoofinta Iran, qiimaha Brent caydhin uu kor u kici karo ilaa $80-$100 foosto.
Si kastaba ha ahaatee, waxay ku dareen in kor u kaca qiimaha noocan oo kale ah uu dhiirigelinayo soo saarayaasha kale ee saliidda inay kordhiyaan wax soo saarka, ugu dambeyntii xaddidaya kor u kaca qiimaha iyo saameynta garaaca ee sicir-bararka.
Afhayeen u hadlay hay’adda mootada UK ee RAC, Rod Dennis, ayaa sheegay in ay "aad u dhakhso badan tahay” in la sheego saamaynta uu shidaalku ku yeelan doono qiimaha shidaalka.
Waxa xaalad aad u xun noqon karta, Iran waxay carqaladayn kartaa saadka ama socodka malaayiin foosto oo saliid ah maalintii, haddii ay bartilmaameedsato kaabayaasha Saliid ee dalalka ama maraakiibta marin biyoodka Hormuz.
Marin-mareenkan ayaa ah mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu muhiimsan adduunka, iyada oo qiyaastii shan meelood meel saliidda adduunka ay maraan.
Mar kasta, waxa jira dhawr iyo toban booyadood oo u socda marin-biyoodka Hormuz, ama ka baxaya, iyada oo kuwa ugu waaweyn ee soo saara saliidda iyo gaasta ee Bariga Dhexe iyo macaamiishooda ay tamar ka soo qaadaan gobolka.
Marinka Hormuz ayaa waxaa dhanka waqooyi ka xiga Iran, dhanka koonfureedna waxaa ka xiga Cumaan iyo Imaaraadka Carabta.
"Waxa aan hadda aragno waa falcelin halis ah oo bilawga ah. Laakiin maalinta xigta ama laba, suuqu wuxuu u baahan doonaa inuu wax ka beddelo meesha ay tani ka sii dari karto,” Saul Kavonic, madaxa cilmi-baadhista tamarta ee MST Financial ayaa yidhi.