Dab ka kacay Xeryaha Cawska ee Xaafadda Dibiga

Friday August 22, 2025 - 15:53:28
hadhwanaagnews
Dabka oo aad u xoog badnaa ayaa ku faafay taayiro farabadan
 

Ciidanka dabdemiska iyo samatabbixinta gobolka Saaxil ayaa si degdeg ah uga hawlgallay dab qabsaday taayiro badan oo yaallay xeryaha cawska xoolaha ee xaafadda Dibiga.

Dabka oo aad u xoog badnaa ayaa ku faafay taayiro farabadan oo ay hoos yaalleen digo iyo caws, taasoo sii hurisay ololka.

Dabka ayaa sidoo kale u dhawaa meherado ganacsi, taasoo khatar weyn ku ahayd hantida shacabka.
Ciidanka dabdemiska magaalada Berbera ayaa si geesinimo leh ugu guulaystay daminta dabka, iyagoo ka hortagay inuu sii faafo.

Fariin Muhiim ah:
Muwaadin, haddii aad la kulanto masiibo dab ah, fadlan si degdeg ah u wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom, Somtel, iyo Soltelco waa ay taageerayaan.
     
Loading...