Wuxuu ku yiri: "Qabo oo cun!"
Cali binu Abii Dhaalib Wuxuu yiri:- "Tusaalaha aniga iyo Cuthmaan binu Cafaan Waxaan la mid nahay Sedex Dibi iyo Libaax Meel ku wada noolaa"
Sedexda Dibi Mid Waa:- Cadaan, Midna Waa Gaduud, Midka kale Waa Madow.
Waxaa la joogay libaax, laakiin ma awoodin inuu waxyeeleeyo iyagoo wada jira.
Libaaxii wuxuu ku yiri dibiga madow iyo kan gaduudan:-
"Dibiga cad ayaa na fashilinaya oo meel kasta nalaga arkaa, maxaa yeelay midabkiisu waa muuqdaa, aniga iyo adinka isku midab ayaan nahay, haddii aad ii ogolaataan inaan cuno, noloshu way inoo sahlanaan doontaa.”
Waxay yiraahdeen: "Qabo cun!”
Wuxuu cunay dibiga cad.
Maalmo kadib ayuu libaaxii u yimid dibiga cas wuxuuna ku yiri:
"Aniga midabkaygu iyo midkaaga waa iskh mid, bal ii daa inaan cuno dibiga madow si aan ugu noolaanno deganaan.”
Wuxuu ku yiri: "Qabo oo cun!”
Wuxuu cunay dibigii madow.
Maalmo kaddib ayuu u yimid dibiga cas oo yiri:
"Hadda adiga ayaan ku cuni doonaa.”
Dibigii cas ayaa yiri: "I daa aan qayliyo marka hore.”
Wuxuu ku yidhi: "Qayli.”
Markaas ayuu qayliyay:
"aniga waxaa la i cunay maalintii la cunay dibiga cad!
Cali Wuxuu yiri:- "Ogow, aniga waxaan daciifay maalintii la dilay Cuthmaan!"
Qisada Maxaad ka baratay?
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!