Wasiirka ayaa xusay in baahida loo qabo qorshe cad oo lagu yareeyo ...
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab), ayaa shaaciyay tirakoob ku saabsan shilalka waddooyinka dalka.
Wasiirku waxa uu sheegay in celcelis ahaan maalin kasta ay dhacaan 21 ilaa 22 shilal gaadiid, kuwaas oo sabab u noqda dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo aad u badan.
Wasiirka ayaa xusay in baahida loo qabo qorshe cad oo lagu yareeyo shilalka waddooyinka ay marayso meel fiican, isagoo ku baaqay in dhammaan bulshada iyo hay’adaha dawladda ee khuseeya arrintani ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xakamayn lahaa khasaaraha joogtada ah ee ka dhasha shilalka.
Mudane Afgaab waxa uu sidoo kale tilmaamay in talooyin badan oo ku saabsan sugidda amniga gaadiidka iyo hagaajinta jidadka la diyaarinayo, kuwaas oo ay wasaaraddu dhawaan soo bandhigi doonto, si looga hortago khasaaraha bani’aadmi iyo midka dhaqaale ee sii kordhaya.
Waxaanu yidhi."Ceel celis ahaan shilalka maalintii dhaca waa 21 ilaa 22 dhimasho iyo dhaawacba way keenaan iyo burbur hantiyeedba”