Wasiirka waxaa kormeerkan ku wehelinayay Agaasimaha cusub
Hargeysa: Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa maanta kormeer rasmi ah ku tegay Cissbitaalka guud ee Hargeysa, gaar ahaan qaybta Indhaha, halkaas oo uu ka socdo olole caafimaad oo dhinaca qaliinka Indhaha ah.
Kormeerkan ayaa ahaa mid muhiimad weyn u leh horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka, gaar ahaan daryeelka la siinayo dadka nugul ee aan awoodin in ay iska bixiyaan kharashaadka qalliinada indhaha.
Wasiirka waxaa kormeerkan ku wehelinayay Agaasimaha cusub ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa, kaas oo dhawaan usoo magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale, waxa la socday masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Taakulo oo door muhiim ah ku leh fulinta ololeyaasha samafalka caafimaad, iyo koox dhakhaatiir ah oo khibrad leh kuwaasi oo gacanta ku haya fulinta howlgalka qalliinka indhaha.
Wasiirka ayaa inta uu ku sugnaa Cisbitaalka si dhow u indha-indheeyay sida ay u socdaan adeegyada la bixiyo, isagoo bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen shaqaalaha caafimaadka iyo hay’adaha iska kaashanaya hirgelinta olohan caafimaad.