DEG DEG Hooyo Hibaaq Maxamuud Xaliye Oo lagu dilay Hargeysa

Thursday August 07, 2025 - 14:28:52
hadhwanaagnews
Askarigan dilka gaystay ayaa gacanta lagu dhigay


Hooyo Hibaaq Maxamuud Xaliye alle ha u unaxariisto ayaa ugeeriyootay xabad uu madaxa kaga dhuftay nin askari ah oo ka tirsan Ciidanka qaranka JSL iyadoo kamid ah dad rakaab ah usocday Magaalada Hargaysa .

Askarigan dilka gaystay ayaa gacanta lagu dhigay kuna xidhan saldhiga dhexe ee Magaalada Berbera
Dilkan ayaa ka dhacay wadada dhinaca galbeed ee magaalada Berbera looga baxo Hargaysa , baaburka ayaa soconayey markii ay xabadu ku dhacday hooyadan sida ay noo xaqiijiyeen dadka rakaabka ah ee saarnaa baaburkaasi askariga ayaa xabad ka daba-riday baaburka kadib markii uu usheegay inuu buuxo .

Askariga dilka gaystay ayaa lagu magacaaba Maxamed Maxamuud Diiriye oo ka tirsan guutada 12-aad ciidanka malateriga ee Gobolka Togdheer
@Mukhtaar Xariir
     
Loading...