Wasiirka oo ah guddoomiyaha guddidan, ayaa kulanka horkacay...
Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal), ayaa xafiiskiisa ku guddoomiyey kulan muhiim ah oo ay yeesheen guddi-hoosaadka Arrimaha Dibedda iyo Ictiraaf Raadinta ee Golaha Wasiirrada.
Wasiirka oo ah guddoomiyaha guddidan, ayaa kulanka horkacay, iyadoo ujeeddadu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa, loona dardar-gelin lahaa dedaallada ay Somaliland ugu jirto helitaanka ictiraaf caalami ah.
Kulankan ayaa ka mid ah qorsheyaasha joogtada ah ee lagu xoojinayo dadaalka qaran ee ay Somaliland ku dooneyso in ay si rasmi ah u hesho aqoonsiga caalamiga ah ee ay mudan tahay.