Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, oo ah guddoomiyaha Guddiga Hagidda (Steering Committee) ee Mashruuca Barwaaqo, ayaa 31-kii July 2025, guddoomisay kulan muhiim ah oo saddex-biloodle ah oo ay yeesheen xubnaha guddigan heer wasiir. Kulankan oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay wasiirrada wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Beeraha, Biyaha, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Mudane Maxamed Siciid Maxamuud.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta heerka uu marayo mashruucani, guulaha laga gaadhay, caqabadaha jira, iyo sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha socda. Waxaa si gaar ah loogu xusay diyaarinta qiimeynta dhexe ee mashruucan (Mid-Term Review), taas oo ah tallaabo lagama maarmaan u ah hagaajinta waxqabadka iyo go’aan-qaadashada ku salaysan xog sugan.
Mashruuca Barwaaqo oo ah mashruuc horumarineed oo muhiim u ah nolosha bulshada reer miyiga ah, ayaa xoogga saaraya kor u qaadidda adeegyada muhiimka ah sida helitaanka biyo nadiifta ah, ilaalinta deegaanka, horumarinta xoolaha iyo beeraha, iyo xoojinta dhaqaalaha baadiyaha. Mashruucan wuxuu ku salaysan yahay istaraatijiyad wadajir ah oo dhaxal gal ah, taasoo dhiirrigelinaysa iskaashiga hay’adaha dowladda iyo la-tashiyada bulsho.
Kulanka ayaa muujiyey sida xukuumadda wadajir iyo waxqabad ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ay diirrada u saarayso muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo xoojiyo iskaashiga hay’adaha dawladda, isla markaana si midaysan loo xalliyo caqabadaha taagan, iyada oo la abuurayo habraacyo dabacsan oo wax-ku-ool ah si mashruucu u gaadho himilooyinkiisa. Waxaa sidoo kale laga dooday muhiimadda ay leedahay wada-tashiga joogtada ah iyo in la mideeyo dadaallada horumarineed.
Mashruuca Barwaaqo wuxuu caddeyn u yahay in hannaanka qorshaynta hufan iyo wadashaqeynta hay’adaha dawladdu ay horseedi karaan horumar dhab ah oo waara. Si kastaba ha ahaatee, si guulahaasi u noqdaan kuwo waara, waxaa lagama maarmaan ah in la adkeeyo korjoogteynta waxqabadka, la sameeyo qiimeyn joogto ah, lana dhegeysto aragtida iyo baahida bulshada.
Mashruucani maaha oo kaliya mashruuc horumarineed, waa fursad qaran. Fursadaas ay xukuumadda Somaliland u hagayso si daacadnimo leh oo ay karti ku dheehan tahay. Haddii la sii adkeeyo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta, Mashruuca Barwaaqo waxa uu noqon kartaa dariiqa toos ah oo lagu gaadho koboc dhaqaale, nolol waarta, iyo bulsho han leh.
Faahfaahinta Mashruuca Barwaaqo ee Somaliland:
Mashruuca Barwaaqo waa mashruuc horumarineed oo ballaadhan oo laga hirgelinayo Somaliland, kaas oo diiradda saaraya horumarinta adeegyada aasaasiga ah, sida horumarinta biyaha, wax-soo-saarka beeraha, daryeelka xoolaha iyo xoojinta adkaysiga bulshooyinka reer miyiga ah ee wajahaya saameynta isbeddelka cimilada.
Maalgelin iyo Maamul:
Mashruucan waxa maalgelinaya Bangiga Adduunka (World Bank), waxaana si buuxda u hirgelinaysa xukuumadda Somaliland. Hoggaaminta mashruucan waxaa iska leh Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka, iyadoo la kaashanaysa wasaarado badan oo ay ka mid yihiin:
Himilo iyo Ujeeddooyin:
Mashruuca Barwaaqo waxa uu u taagan yahay sidii loo gaadhi lahaa: In bulshada reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku nool meelaha miyiga ah ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah oo lagu gaadhsiiyo goobaha ay ku noolyihiin bulshooyinka miyigu, Kordhinta wax-soo-saarka xoolaha iyo beeraha, si loo helo nolol horumarsan oo ku tiirsan dhaqaale waara, Xoojinta adkaysiga bulshooyinka si ay u wajahaan saameynta isbeddelka cimilada iyo dhiirrigelinta go’aan-qaadasho ku saleysan xog sugan iyo cilmi-baadhis la hubo.
Isku-xidhka Mashruucan iyo Qorshaha Qaranka JSL:
Mashruuca wuxuu si toos ah ugu xidhan yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Somaliland (NDP), gaar ahaan dhinacyada: Kaabeyaasha dhaqaalaha, Maaraynta kheyraadka dabiiciga ah, La-tacaalidda saameynta abaarta iyo isbeddelka cimilada iyo Horumarinta xogta iyo go’aan-qaadashada cilmiga-ku-saleysan ee hay’adaha qaranka.
Gabagabo:
Mashruucan Barwaaqo waa tusaale dhab ah oo muujinaya sida isku xidhnaanta hay’adaha qaranka JSL iyo iskaashiga caalamiga ah ay horseedi karaan horumar waara. Mashruucan waxa uu astaan u yahay mustaqbal cusub oo ay bulshadu si toos ah uga faa’iideyso, iyadoo la ilaalinayo hufnaan, isla xisaabtan, iyo maarayn cilmi-ku-dhisan.