Kulankan ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay
Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Yuusuf Cali, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley madaxda sarre ee hay'adda Hello Trust, oo ay hoggaamineyso madaxa xafiiska Hello Trust ee Somaliland MSs Becky.
Kulankan ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay dardargelinta hawlaha Miino-saarka ee dalka ka socda, ee hay'addani Qaranka masuulka uga tahay.