Wasiir Axmed jaamac Bare oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay...
Wasiirka wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland Eng Axmed Jaamac Bare oo bulshada magaalada Ceel-afwayn kala qaybgalay munaasibada Salaadii Ciidul-Adxa ayaa reer Ceel-afwayn ku amaanay sida ay tobaneeyo sanno kadib u wada ciideen iyagoo qaatay nabad iska na dhaafay colaadii ragaadisay deegaan kooda.
Horaantii sannadkan ayey ahayd markii wefti uu korcayo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi ugu kicitimeen hawlo ay ka mid ahayd xal u helida colaada raagtay ee dhextaalay laba beelood oo wada degan Ceel-afwayn iyo deegaano hoos yimaad, ugu dambayna laga soo saaray go,aamo salka ku haya wixii dhacay iyo sidii loo afjari lahaa colaada.
Wasiir Axmed jaamac Bare oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in la soo gaadhay wakhtigii ay Ceel-afwayn noqon lahayd saldhiga nabadda gobolada bariga, sida Sool, Sanaag iyo Somaliland ta kale ba, waxa kale oo uu sheegay in nabaddu tahay tiirka lagu gaadho horumarka, la,aanteedan ay wax walba Meesha ka baxayaan.
Wasiirka Tamarta iyo Macdanta oo arimahasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi "Waxanu maanta halkan u joognaa in ay Ceel-afwayn saldhig u noqoto nabadaynta gobolada bariga, horumarku nabaduu ku jiraaye gacmaha ishaysta, ALLE Nahaydiin fufudeeyo, Hadaanay nabadi jirin Horumarna majirayo”.