"Waa markii koowaad ee qoraal laga qoro nidaamka cadaalada"Wasiir Yoonis Axmed Yoonis

Saturday July 19, 2025 - 12:58:01
hadhwanaagnews
"Waxa uu buugani kawaramayaa waxa ay soo martay somalliland


Wasiirka wasaaradda Cadaalada Somaliland Yoonis Axmed Yoonis oo ka hadlay buugga miisaanka Cadaalada iyo muhiimada Sharciga oo uu qoray Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka Somaliland ee WADANI Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa sheegay in buuggu ka waramayo dhibaatooyinka taagan xalkooda iyo taariikhdii dhinaca cadaalada ee ay Somaliland soo martay bilawgii ilaa iyo wakhti xaadirkan.

Wasiir Yoosni Axmed Yoonis ayaa tilmaamay in akhristaha buuggani wax badan oo dhinaca sharciga ah ka korodhsan karo oo xaataa ay ku jiraan culuumta sharci ee lagu dhigto jaamcadaha kaasi oo noqonayo buug wakhtigan lagu jiro aad loogu baahnaa.

"Waxa uu buugani kawaramayaa waxa ay soo martay somalliland bilawgii iyo imigaba ee dhinaca Cadaaladda, waa buug aan is leeyahay qofka akhirayaa wax badan buu ka faa’iidi karayaa oo aanu Jaamacadba u baahnayn, waa buug wakhtigan aad iyo aad loogu baahnaa” sidaasi waxa yihi Wasiirka wasaaradda Cadaalada Somaliland.

Wasiirka wasaaradda cadaalada Somaliland ayaa gudoomiye Xirsi ku sifeeyey shaqsi ku dhac leh isla markaana ku dhiiraday mawduuc ay inta badan dadka wax qoraa ama siyaasiyiintu ay ka gaabsadaan inay wax ka qoraan sidoo kale na buugani noqonayo markii koowaad ee la qoro buug ka waramaya nidaamka cadaalada.

"Gudoomiye Xirsi waa nin ku dhac leh oo dhiiran, oo laba arimood oo ay siyaasiyiinta ahi ka baqaan ku dhiiraday, waa markii koowaad ee qoraal laga qoro nidaamka cadaalada waa laga baqi jira” ayuu hadal kiisa sii raaciyey.
     
Loading...