"Wada-jir Qaran iyo Hufnaan Maamul:" Falanqaynta Wargeyska Dawan ee Shirkii Golaha Wasiirrada JSL

Saturday July 12, 2025 - 12:35:41
hadhwanaagnews
Sidoo kale, warbixinta Maaliyadda iyo kobaca dhaqaalaha, gaar ahaan hirgelinta ....



Xukuumadda Somaliland, ayaa muujisay jihada cusub ee ay ku doonayso in ay ku waajahdo maamul-wanaagga, hufnaanta dawladnimada iyo wada-tashiga qaran ee lagu horumarinayo guud ahaan dalka. Shirkii 26-aad ee Golaha Wasiirrada oo qabsoomay Arbacadii ina soo dhaaftay oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ahaa mid si qoto dheer u taabanaya arrimo aasaasi ah oo la xidhiidha nolosha shacabka iyo horumarka dalka.

 

Amniga iyo xasilloonida, oo ah tiirka koowaad ee horumar kasta, waxa lagu sheegay in uu yahay mid sugan. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa caddeeyey in aanay jirin wax qalalaase ah ama khalkhal amni ah oo ka jira guud ahaan gayiga Somaliland. Tani waa guul ay muhiim tahay in si adag loo ilaaliyo, maadaama amni-darradu ay noqon karto caqabad weyn oo hor istaagta, habsami u socodka nolol maalmeedka bulshada, koboca dhaqaale, maalgashiga iyo kalsoonida dadweynaha.

 

Sidoo kale, warbixinta Maaliyadda iyo kobaca dhaqaalaha, gaar ahaan hirgelinta nidaamka Cashuurta Iibka iyo Adeegga (GST) ee shirkadaha isgaadhsiinta oo kordhay 5%, ayaa si cad u muujinaya dadaalka xukuumadda waxqabad iyo wada-jir ay ku doonayso in ay kor ugu qaaddo dakhliga gudaha. Horumarinta nidaamka cashuuraha casriga ah waxa ay u baahan tahay wacyigelin badan oo la xidhiidha kor u qaadista wacyiga iyo fahamka bulshada reer Somaliland oo aan inta badan aad ugu baraarugsanayn qiimaha ay cashuur bixintu u leedahay horumarka dhaqaalaha qaranka iyo adeegyada asaasiga ah ee ay u baahanyihiin shacabku, sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka iyo waxyaabaha la midka ah.

 

Dhanka kale, warbixinta la xidhiidha xaaladda caafimaad ee gobolka Selel oo uu golaha wasiirrada u soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, waxay si cad u iftiimisay baahiyaha dhabta ah ee ka jira deegaanadaasi iyo sida xukuumaddu ay uga go’an tahay in ay wax ka qabato duruufaha caafimaad ee bulshada JSL.

 

Warbixintaasi ma’ ahayn oo kaliya mid tilmaamaysa caqabadaha, balse waxay ahayd mid dhiirrigelinaysa ficil iyo himiidda ay xukuumadda u leedahay wax ka qabashada baahiya caafimaad ee ka jira gobolkaas, sidoo kale warbixintaasi waxay muujinaysaa in xukuumadda JSL ay qorshe cad ka leedahay horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka, gaar ahaan gobolka Selel oo warbixintu si gaar ah u xustay.

 

Dib u eegista iyo wax-ka-qabashada baahiyaha caafimaad ee gobolka Selel waa tilmaan cad oo muujinaysa waajibka ay xukuumaddu ka gudanayso daryeelka muwaadiniinteeda, meel kasta oo ay joogaan. Waa aragti ka turjumaysa in Somaliland cagta saartay jidka dawladnimo dhab ah.

 

Xukuumadda waxqabad iyo wadajir, waxay mar kale muujisay in caafimaadku yahay xuquuq aasaasi ah oo muwaadin kasta xaq u leeyahay. Dadaalka la gelinayo gobolka Selel waa astaan muujinaysa in aan cidna laga tegeyn, islamarkaana dawladda Somaliland ay tahay mid loo siman yahay. Waa tallaabo markhaati u ah in xukuumaddu ay si joogto ah u qiimeynayso baahiyaha caafimaad ee gobollada, iyada oo dhinaca kalena la diyaarinayo qorshayaal waara oo lagu gaadhsiinayo adeeg caafimaad dhammaan shacabka reer Somaliland.

 

Arrimaha saxaafadda madaxa bannaan ayaa ahaa qodob kale oo muhiim ah, kaas oo si weyn u muujinaya sida xukuumaddu uga go’antahay ilaalinta xorriyadda hadalka iyo doorka muhiimka ah ee ay warbaahintu ku leedahay kobcinta dimuqraadiyadda. Waxa la caddeeyey in saxafiyiintu leeyihiin xuquuq dastuuri ah oo waajib ku ah in la ilaaliyo, balse ay iyaguna leeyihiin mas’uuliyad ku saabsan in ay ku dhaqmaan anshaxa saxaafadda iyo ilaalinta sumcadda guud ee qaranka. Waa dheellitirnaan siyaasadeed oo marag u ah dowladnimo bisil iyo damiir dawladnimo qaangaadh ah. Sidoo kale shirkii 26aad ee golaha wasiirrada Somailland ayaa iftiiminaya sida ay Xukuumadda Somaliland uga go’antahay Tixgelinta iyo xaqdhawrka xuquuqda suxufiyiinta.

 

Sidoo kale, warbixinta Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ee la xidhiidha kor u qaadidda xidhiidhka ganacsi ee Somaliland la leedahay waddamada jaarka iyo kuwa Khaliijka, ayaa tilmaamaysa in xukuumaddu ay garawsatay muhiimada ay leedahay ka faa’iidaysiga suuqyada Mandaqadda. Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa soo bandhigay warbixin qiimo leh oo ku saabsan kulamo iyo safarro heer caalami ah oo lagu horumarinayo xidhiidhka ganacsi ee Somaliland la leedahay waddamada dariska ah iyo kuwa Khaliijka. Waxa kale oo la tilmaamay dadaallo lagu dardargelinayo korjoogtaynta qiimaha badeecadaha iyo shidaalka, taas oo muujinaysa in Somaliland ay si firfircoon uga shaqaynayso ilaalinta danaha dadkeeda, iyadoo la jaanqaadaysa dhaqaalaha isbedelaya ee gobolka. Tani waa tilmaan cad oo ka tarjumaysa in xukuumad si xeel dheer u fahamsan baahiyaha dhabta ah ee dalkeeda iyo muhiimadda iskaashiyo caalami ah oo lagu dhiso ganacsi oo waara.

 

Ugu dambayn xaaladaha abaaraha ee laga soo warbixiyey min bari ilaa galbeed, waxay ahayd mid taabanaysa nolosha dhabta ah ee kumannaan qoys oo ay abaaruhu saameeyeen. Waxa lagu muujiyey sida xukuumadda JSL ay diyaarka uga ugu tahay in la helo qorshe qaran oo midaysan oo lagaga hortago abaaraha lana daryeelo dadka iyo duunyada la tacaalaya saameynta cimilada. Tani waxay tusaale u tahay xukuumad la socota xaqiiqada dhabta ah ee dalka ka jirta, lehna aragti fog oo ku wajahan ka-hortagga iyo gurmadka degdegga ah.

 

Gunaanad: Hoggaan ku Dhisan Wada-tashi, Daahfurnaan iyo Kalsooni:

 

Marka la isu geeyo qodobadan lagaga dooday shirka golaha wasiirrada Somaliland, waxay si toos ah u muujinayaan in Xukuumadda Somaliland ay ku socoto waddo lagu kasbanayo kalsoonida shacabka. Waa xukuumad leh aragti cad, nidaam hufan, iyo hoggaan ku salaysan wada-tashi, xog wadaag iyo isku xidhnaan dhab ah. Waxa lagu sifeyn karaa hoggaan mas’uul ah oo ka jawaabaya baahiyaha muwaadiniinta kana warqaba doorkiisa caalamiga ah.

 

Shirkan Golaha Wasiirrada wuxuu ahaa mid si buuxda u muujinaya sida Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubnaha golaha wasiirrada Somaliland ay uga go’an tahay hogaaminta dalka ee ku salaysan ballanqaadyadii hufnaanta, waxqabadka iyo dib-u-habaynta hay’adaha dawladda.

 

Falanqaynta Wargeyska Dawan waxa ay ku boorinayaa dhammaan hay’adaha dawladda in ay la yimaadeen is-waafajin iyo wada-shaqayn muuqata, iyada oo wax ka qabashada danta shacabka si joogto ah loo horkeenayo shirka golaha wasiirrada lana joogtaynayo wada-tashiyada heer qaran. Taas oo ah tubta kaliya ee lagu gaadhi karo yoolalka horumarineed ee Qaranka.

     
Loading...