Baashe Cawil wuxuu caddeeyay in aqoonsiga Somaliland
Wakiilkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya, Baashe Cawil Cumar , ayaa sheegay in loo baahan yahay inay beesha caalamku aqoonsato Somaliland oo ay ka waantowdo dhawaaqa ay ku celceliyaan ee ah "Somaliland iyo Soomaaliya ha ka heshiiyaan arrimahooda."
danjire Baashe Cawil wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA. Waxaanu ku dooday in wadahadalladii soo bilaabmay 2012kii ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya aanay ka soo bixin wax macne lihi.
Baashe Cawil wuxuu tilmaamay in 11 wareeg oo wadahadal ah horusocod iyo midho-dhal laga waayay dhinaca Soomaaliya.
Waxa kaloo uu xusay inay Somaliland tahay dal madaxbannaanidiisa ay hore u aqoonsadeen 35 dal. Waxaanu hoosta ka xariiqay in tan iyo 1991kii ay Somaliland dalkeeda ka hirgelisay, nabad, dimuqraaddiyad isla markaana ay ka caagan tahay argagixisada.
Baashe Cawil wuxuu caddeeyay in aqoonsiga Somaliland uu yahay mid isa soo taraya oo caalamku garwaaqsanayaan xaqiiqada dhabta ah ee qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland. Kaasi oo ay dani ugu jitto xasiloonida mandaqada oo dhan.Wakiilkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya, Baashe Cawil Cumar , ayaa sheegay in loo baahan yahay inay beesha caalamku aqoonsato Somaliland oo ay ka waantowdo dhawaaqa ay ku celceliyaan ee ah "Somaliland iyo Soomaaliya ha ka heshiiyaan arrimahooda."
danjire Baashe Cawil wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA. Waxaanu ku dooday in wadahadalladii soo bilaabmay 2012kii ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya aanay ka soo bixin wax macne lihi.
Baashe Cawil wuxuu tilmaamay in 11 wareeg oo wadahadal ah horusocod iyo midho-dhal laga waayay dhinaca Soomaaliya.
Waxa kaloo uu xusay inay Somaliland tahay dal madaxbannaanidiisa ay hore u aqoonsadeen 35 dal. Waxaanu hoosta ka xariiqay in tan iyo 1991kii ay Somaliland dalkeeda ka hirgelisay, nabad, dimuqraaddiyad isla markaana ay ka caagan tahay argagixisada.
Baashe Cawil wuxuu caddeeyay in aqoonsiga Somaliland uu yahay mid isa soo taraya oo caalamku garwaaqsanayaan xaqiiqada dhabta ah ee qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland. Kaasi oo ay faa'iido u ah xoojinta xasiloonida mandaqada oo dhan.