"Ujeeddada ugu weyn ee barnaamijyadani waa in Xujeyda Somaliland
Agaasimaha Waaxda Xajka iyo Cumrada ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xasan (Abu-layla) ayaa sharaxaad Ka bixiyey xaaladda guud ee Xujayda Somaliland ee ku sugan magaalada Maka, iyo habsami-u-socodka hawlaha Xajka ee sanadkan. Agaasimaha ayaa sheegay in Xujeyda Somaliland ee sanadkan nasiibka u helay gudashada rukniga shanaad ee Islaamka ay ku sugan yihiin xaalad wanaagsan, islamarkaana hawlihii Xajku ay u socdaan si nidaamsan, iyada oo la tixgalinayo qorshayaasha iyo habraacyada ay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Dalka Sucuudigu u dejisay Xujayda .
Maxamed Xasan (Abu-layla) Agaasimaha Waaxda Xajka iyo Cumrada ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo hadalka sii wata ayaa xusay in muddooyinkii u dambeeyey magaalada Maka ay ka socdeen barnaamijyo wacyigelin diini ah, oo lagu bartilmaameedsanayo sidii Xujeydu u gudan lahayd axkaamta Xajka iyo sunantiisa, si sax ah oo waafaqsan shareecada Islaamka. Waxana Barnaamijyada wacyigelinta ah fulinaya culimo si qoto dheer u fahansan arimaha Xajka, iyadoona ay si toos ah uga Faa’idaysanayaan boqolaal kamid ah Xujeyda reer Somaliland.
"Ujeeddada ugu weyn ee barnaamijyadani waa in Xujeyda Somaliland ay si aqoon leh u gudan karaan cibaadadooda, ayna fahmaan macnaha Xajka, sidoo kalena ka fogaadaan khaladaadka dhici kara inta lagu gudajiro waajibaadka Xajka,” ayuu yidhi Agaasime Abu-layla.
Ugu dambayntii Agaasimaha Waaxda Xajka iyo Cumrada ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxa uu bogaadiyey dadaalka ay sameeyeen culimada, kooxda qaban-qaabada, iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda ee ku sugan Maka, isaga oo shacabka Somaliland ugu bushaareeyey in Xujeydoodu ay si wanaagsan uga qayb qaadanayaan gudashada cibaadada Xajka.
ALLA MAHAD LEH.
Nuur Cali Maxamed
Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland