Wasiirka waxbarashada oo kormeer ku tagey xarunta guud ee imtixaanadka Dalka.

Sunday June 01, 2025 - 10:27:24
hadhwanaagnews
Wasiirka waxa halkaa ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Xafiiska i
May be an image of 4 people, people studying, dais and text


Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL Pro Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa kormeer uu ugu kuur-galayo habsami u socodka iyo diyaargarowga hawlaha Imtixaanaadka shahaadigga ah ee sannad dugsiyeedka 2024-2025-ka galabta ku tagey xarunta guud ee Xafiiska Imtixaanka Qaranka JSL.


Wasiirka waxa halkaa ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Xafiiska imtixaanaadka Qaranka Daa'uud Axmed Faarax iyo agaasimaha waaxda Qorshaynta ee xafiiska imtixaanka Md.Maxamed Axmed Cabdi, waxaanay war-bixin ka siiyeen hawlaha Imtixaanaadka shahaadigga ah iyo sida ay heeganka ugu jiraan sidii loo qaadi lahaa imtixaan caddaalad ah.

Ugu danbayn, wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL Prof.Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa masuuliyiinta xafiiska imtixaanaadka Qaranka uga mahadnaqay, hawlaha baaxada leh ee ay Qaranka u hayaan.

Geesta kale, wasiirku waxa uu ardayda u fadhiisan doonta imtixaanaadka shahaadigga ah Eebbe uga baryey, in uu ku guuleeyo Imtixaanaadka ay geli doonaan iyo geedi socodka waxbarasho ee ay muddada dheer soo wadeen.
     
Loading...