Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa ku ansixiyay kalfadhigoodii Maanta Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha oo guddiga xuquuqul insaanka uu ku soo daray doodii iyo aragtidii xildhibaanada ee akhrinta labaad, iyada oo ugu horayn xildhibaan Cabduqaadir Sheekh Cali Barako oo ka mid ah Guddiga Xuquuqul Insaanka uu la wadaagay golaha.
Deegaanada iyo maamulada kala duwan ee Soomaaliya ayaa waxaa ku yaala xeryo ay ku barakaceen dad Soomaaliyeed oo deegaano kale oo dalka ah ka soo barakacay, iyaga oo ammaan iyo nololba raadinaya. Qaarkood xaalada kala duwan oo nolosha iyo caafimaadka ah ayay ku wajahaan goobahaasi.
Hadaba muhiimada sharcigan uu u leeyahay dadka ku barakacay gudaha dalkooda ayaa Xildhibaan Barako uu uga waramay BBC.
''Sharcigan waxaa la yiraahdaa sharciga barakacayaasha gudaha, waxaana markii hore soo gudbisay Wasaarada Arimaha Gudaha 2023, wuxuuna yaalay labo sano ku dhowaad. Maanta ayay noqotay inuu meel maro. Wuxuu khuseeyaa arrimaha barakacayaasha gudaha, wuxuuna u sameynayaa difaac oo dowladda uu ku waajibinayo in la ilaaliyo xuquuqdooda aasaasiga iyo in ay helaan degenaansho, in aan khasab lagu barakicinin'' ayuu yiri.
Hindise sharciyeedka barakacayaasha ayaa ka kooban 12 cutub iyo 31 qodob, sida uu sheegay xildhibaanku, isaga oo muhiim ku tilmaamay dhamaantood.
''Waa ilaalinta iyo taakulaynta dadka gudaha ku barakacay in xuquuqdooda la ilaaliyo oo cid walbana ay ilaaliso oo aan xoog lagu barakicin oo aan awood loo sheeganin. Inay helaan degenaansho, inay helaan iskuulo, inay helaan dugsiyo quraan, masaajidyo helaan oo garoomo ay ku ciyaaraan helaan, xuquuqdii qofka muwaadinka lahaa oo isagoo gurigiisa jooga wuxuu ku heli lahaa inay iyaguna goobaha ay ku barakaceen ama ay degen yihiin ay ku helaan'' ayuu yiri xildhibaan Barako.
Fulinta sharciga ayuu xildhibaanku sheegay in laga rabo xukuumada, ayna ka rajaynayaan inay fuliso oo guud ahaan dowladu ay indhaha ku hayso barnaamijka. ''Wasaarad arrimaha gudaha ayaa masuul ka ah barnaamijkan, guud ahaan dowlada ayaa laga rabaa inay ilaaliyaan xuquuqda barakacayaasha, wasaaradii u qaabilsanaydna inay si gaar ah ula socotana waa muhiin'' ayuu sii raaciyay.
Muxuu yahay werwerka iyo niyad-jabka ay la nool yihiin barakacayaasha Soomaaliya?
Daraasad Nofembartii sanadkii aynu soo dhaafay ay ka sameeyeen koox dhakhaatiir Soomaali xeryaha barakacayaasha magaalada Muqdisho ayaa lagu ogaaday in dadka xeryaha ku jira ay qaar ka mid ah la nool yihiin xaaladda dhanka dhimirka ah.
Waxyaabaha daraasadda lagu ogaaday waxaa ka mid ah in qaar ka mid ah barakacayaasha ay la nool yihiin xaalado welwel iyo murugo.
Xeryaha barakacayaasha magaalada Muqdisho ayaa ah xerooyinka ay ku nool yihiin barakacayaasha ugu badan ee dalka Soomaaliya.
Cilmi-baaristan oo lagu daabacay qaar ka mid ah joornaallada caalamiga ah ayay ku ogaadeen baarayaasha in arrimo dhowr ah ay sababeen xaaladdahan, iyada oo laga sameeyey 10 xero oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah, gaar ahaan kuwa ku yaalla Deyniile iyo Kaxda.
Dr Xasan Cabdullaahi Daahiye oo ah hormuudka kulliyadda caafimaadka ee SOS ee magaalada Muqdisho, isla markaana horkacayay cilmi-baarista, ayaa sheegay in daraasadooda ay diiradda ku saareen arrimaha werwerka, murugta iyo niyad-jabka.
"Daraasadeena waxay ahayd mid ku saabsan werwerka, murugada iyo niyad-jabka ee ku yimaada dadka barakacayaasha ah ee gobolka banaadir iyo sida ay u heli karaan adeegyada caafimaadka gaar ahaan adeegyada cudurrada dhimirka"ayuu yiri Dr Daahiye.
Bbc/somali