Dawladda Taiwan oo Garawsaday in JSL Tahay Halbowle Muhiim u ah Wax soo Saarkeedda Qalabka Electronic-ga

Monday July 07, 2025 - 13:39:32
hadhwanaagnews
Ujeedada Taiwan ayaa ah in la ballaadhiyo doorkooda caalamiga



Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markale u muuqatay in ay tahay meel istiraatiiji ah oo soo jiidatay indhaha ganacsatada caalamka, ka dib markii uu dalka yimid wefti heer sare ah oo ka socda Ururka Ganacsatada Taiwan (Taiwan Business Association). Socdaalkan ayaa daaranaa dardargelinta iskaashi dhaqaale iyo horumarineed oo ay labada dhinac wadaagi karaan, iyadoo si rasmi ah loogu qaabilay caasimadda Hargeysa.

Dawladda Taiwan, oo si weyn loogu yaqaan kaalinta ay kaga jirto wax-soo-saarka qalabka Electronic-ga ee heer caalami, ayaa hadda si dhow isha ugu haysa ka faa’iidaysiga khayraadka dihin ee Jamhuuriyadda Somaliland. Taiwan ayaa si gaar ah u danaynaysa in ay Somaliland ka samayso maalgashiga warshado casri ah oo ku saleysan soo saarista qalabka electronic-ga, taas oo noqon karta fure muhiim ah oo lagu kobcin karo tiknoolajiyadda iyo dhaqaalaha Somaliland.

Ujeedada Taiwan ayaa ah in la ballaadhiyo doorkooda caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada suuqyada iyo xarumaha wax-soo-saarka ee dibadda. Somaliland ayaa noqotay meel ay si gaar ah indhaha ugu hayaan, maadaama oo ay Somaliland leedahay khayraad dihin oo hodan ah, deegaan nabdoon oo ku habboon in la maalgashado iyo fursado ganacsi oo ay beesha caalamku hadda si weyn ugu baraarugayso.

Ururka Ganacsatada dalka Taiwan (Taiwan Business Association), ayaa toddobaadkan booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland, kuwaas oo ay hoggaaminaysay guddoomiyaha ururka Alyne Chen, kaas oo muujiyay in ay xiise ballaadhan u qabaan maalgashi toos ah oo la xidhiidha Wax-soo-saarka iyo suuq-geynta qalabka Electronic-ga, Kaluumaysiga iyo khayraadka badda, Sifaynta biyaha, Caafimaadka xoolaha iyo Maalgelinta ganacsiyada yaryar, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka.

Ganacsatadan ayaa qorsheynaya in shirkadahooda ganacsigu ay qayb ka noqdaan silsiladda caalamiga ah ee wax-soo-saarka elektarooniga, iyaga oo u arka Somaliland meel istiraatiiji ah oo ay ka dhisi karaan saldhigyo cusub oo warshadaysan.

Haddii tallaabadan la hirgeliyo, waxa la filayaa in alaabo elektaroonig ah oo Somaliland laga soo saaray ay gaadhaan suuqyo caalami ah, gaar ahaan Bariga iyo Koonfur-bari Aasiya, Yurub, iyo Ameerika. Maalgashigan wuxuu noqon karaa mid beddela doorka dhaqaale ee gobolka, isla markaana Somaliland gelin kara khariidadda cusub ee warshadaynta teknoolajiyadda sare.

Xiisahan cusub waxa uu dhaxalgal u noqon karaa isbeddel dhaqaale oo la taaban karo, iyada oo Somaliland ay noqon karto meel saldhig u ah wax-soo-saarka qaar ka mid ah qaybaha muhiimka ah ee warshadaha elektarooniga. Fursadani waxay fure u noqon kartaa koboc dhaqaale, horumar farsamo, iyo shaqo abuur ballaadhan oo dalka gudihiisa ka hanaqaada.

Taiwan oo leh khibrad ballaadhan, agabyo casri ah iyo suuqyo diyaarsan ayaa hadii si xeel dheer loo qorsheeyo, la filan karaa in iskaashigeeda uu Somaliland gaadhsiiyo heerar cusub oo ah warshadaynta casriga ah ee Afrika laga hirgeliyo.

Shirkadihii ka socday Ururka Ganacsatada Taiwan ee booqashada ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ahaa:

  • YEN & BROTHERS ENTERPRISE CO., LTD
  • AQUAPONICS COMPANY
  • ZTQ ENTERTAINMENT
  • HW CAPITAL
  • CENTRAL SKY INTERNATIONAL TRADING CO
  • EXCELSIOR BIO-SYSTEM INCORPORATION

Gabagabadii, booqashada ganacsatada Taiwan ayaa muujisay in Somaliland ay noqotay meel lagu kalsoon yahay oo ay suurtagal tahay in laga hirgeliyo mashaariic maalgashi oo waaweyn. Tani waa tallaabo cusub oo horseedi karta koboc dhaqaale, fursado shaqo iyo xoojinta xidhiidhka Somaliland la

     
Loading...