Qormadeena waxaan kaga hadli doona todobaadkan wax yeelada iyo waxtarka muuska, Mooska ayaa ka mid ah qudaarta ugu caansan dunida oo ay ka buuxaan fitamiinno iyo macdano kala duwan oo muhiim u ah caafimaadka, waxaa ka mid ah magnesium, potassium, copper, iron, fiber, fitamiin B-6 iyo fitamiin C. Waxaa kaloo ka buuxa barootiinka loo yaqaanno -tryptophan” kaas oo ka qeyb qaata soo saarista maaddo kale oo lagu magacaabo "serotonin”
oo muhiim u ah la dagaallanka niyad-jabka iyo diiqada.
Hadaba su,aasha waxa ay tahay muuska ma la cuni karaa adiga oo gaajoonaaya sida ay dhakhaatiirtu ku taliyaan waxa fiican inaan mooska kaligiis la cunin marka calooshu ay madhantahay, sababtoo ah mooska waxaa ku badan sonkorta dabiiciga ah taas oo hoos u dhigaysa firfircoonida qofka islamarkaana ku keenaysa daal, tabar yari iyo hurdo inuu dareemo.
Mooska waxa uu kordhiyaa tamarta qofka laakiin marka mooska kaligiis la cuno caloosha oo maran, energy-ga si dhaqso ah ayuu u dhammaadaa. Sidoo kale moosku waxa uu leeyahay aashito taas ookeeni kartaa cillado dhanka caloosha ah.
Cunista mooska caloosha oo madhan waxay si aad ah u kordhisaa magnesium jirka, waxayna waxyeelayn karta isu-dheelitirka magnesium-ta iyo calcium-ta dhiigga taas oo horseedi karta wadne xanuun, sidaas awgeed dhakhaatiirtu way ka digaan in qofku moos kaliya uu cuno isagoo gaajeysan ama calooshiisu ay maran tahay. La soco….