Xukuumada JSL oo Si Firfircoon u Wajahaysa Wejigii ugu Cuslaa Hawl-galadda Aqoonsiga JSL

Saturday May 17, 2025 - 10:19:48
hadhwanaagnews
Tallaabooyinka ay qaaday xukuumada Somalialnd



Xukuumadda cusub ee Waxqabad iyo Wada-jir ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si firfircoon u wajahday wajigii ugu culayska badnaa ee ololaha loogu jiro helitaanka aqoonsi caalami ah. Tallaabooyinka la qaaday waxay muujinayaan isbeddel siyaasadeed oo qoto dheer, iyada oo si togan looga faa’iidaysanayo fursadaha taagan.

 

Xukuumadda Somaliland waxay muddooyinkii u dambeeyay qaaday olole dublamaasiyadeed oo qorshaysan, kuwaasi oo lagu xaqiijinayo baadi-goobka himilada ummada reer Somaliland (Aqoonsi caalami ah), waxaanay xukuumadda JSL dhiig cusub ku shubtay hawl-gallada ictiraaf raadinta qaranka.

 

Tallaabooyinka ay qaaday xukuumada Somalialnd waxay muujinayaan isbeddel siyaasadeed oo qoto dheer, iyadoo la adeegsanayo hantida dabiiciga ah, goobta istaraatiijiga ah, iyo xidhiidhka sii xoogeysanaya ee Somaliland la yeelanayso quwadaha waaweyn ee adduunka sida Mareykanka.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in xukuumaddiisu si istaraatiiji ah diiradda u saartay xoojinta xidhiidhka caalamiga ah, taas oo ah waddo muhiim ah oo loo marayo helitaanka ictiraaf buuxa iyo kobcinta maalgashiga shisheeye.

 

Hadalka Madaxweynaha Somaliland ayaa muujinaya jiho cusub oo diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo ay xukuumaddiisu qaaday.

 

Tallaabooyinka Muhiimka ah ee la Qaaday

 

Xidhiidhka Beesha Caalamka:

Somaliland waxay dib u soo nooleysay xidhiidhka ay la lahayd saaxiibadeeda caalamka.

Waxay xukuumadda waxqabad iyo wadajir ay xoojisay ka qayb-galka fagaarayaasha caalamiga ah, si loo maqlo codka Somaliland, taas oo lagu xaqiijinayo helitaanka aqoonsi iyo taageero siyaasadeed.

Xidhiidhka Imaaraadka Carabta:

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa aqbashay in ay maalgashi ballaadhan ku sameyso:

 

Wax-soo-saarka Beeraha

Kalluumeysiga

Xoolaha-nool

Horumarinta Waddooyinka iyo Waxbarashada Somaliland

Himilada Siyaasadeed ee Madaxweynaha:

 

Madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro wuxuu ku adkaystay: "Siyaasaddeennu waa in aan dunida ku qancinno xaqa sharciyeed ee ictiraafka Somaliland. Cid kasta oo garab inagu siisa, waxaannu u muujin doonaa abaal, saaxiibtinimo, iyo dano is dhaafsi ku dhisan tixgelin iyo wada-shaqayn,” ayuu yidhi mar uu la hadlayay mid ka mid ah warbaahinta Caalamka.

 

Soo Jiidashada Indhaha caalamka:

Waddamada beesha caalamka ayaa wakhtigan si weyn ugu baraarugay sida ay Somaliland uga shaqaysay dhinacyada:-

 

Danta guud ee qaranka

Midnimada bulshada

Ilaalinta nabadda

Dhismaha dimuqraadiyadda

Dedaalada Wasiirka Arrimaha Dibada JSL

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa dhankiisa tilmaamay in xukuumadda Somaliland iyo wasaaradda khaarajiga ee uu hoggaamiyo ay xooga saareen dedaalada lagu xoojinayo xidhiidhka quwadaha waawayn ee caalamiga ah, si looga midho dhaliyo himilada ictiraafka Somaliland. sidoo kale wasiirku waxa uu dhawaan safar hawleed miisaan culusu ku tagay dalka Maraykanka, kaas oo soo jiitay indhaha warbaahinta caalamka.

 

"Maanta waxay taagan tahay wakhti Somaliland in ay Ictiraaf hesho aanay cidna iska indha tiri karin oo dhammaan caalamka indhahoodii ay u soo jeesteen sida Somaliland uga shaqaysay danteeda, midnimadeeda, nabad-galyadeeda, iyo Dimuqraadiyadeeda. Duniddu Iskama Indho-tiri karto Ictiraafka ay JSL xaqa u leedahay” ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan Aadan Daahir Bakaal.

 

Warbaahinta Caalamiga ah iyo Dareenka Maraykanka.

 

Waxaa si weyn loo hadal hayaa xiisaha cusub ee dowladda Maraykanka u qaaday xidhiidh toos ah oo diblomaasiyadeed oo ay la yeelato Somaliland. Wararkaasi oo ay baahiyeen warbaahinta caalamka kuwooda ugu afka dheer, waxay saadaalinayaan in is-dhexgalkaasi noqon karo in la gaadhay albaabka ictiraafka Somaliland, iyadoo lagu saleynayo:

 

Ahmiyadda Juquraafiyeed ee Berbera

Khayraadka Dhifka ah ee Muhiimka u ah Tignoolajiyadda Casriga ah

Istaraatiijiyadda la-dagaalanka Saamaynta sii Kordheysa ee Shiinaha ee Afrika

Berbera: Xuddunta Istaraatiijiyadda Maraykanka

 

Dekedda Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed ayaa noqotay meel istaraatiiji ah oo ay isha ku hayaan Mareykanka, Taiwan, iyo dalal kale. Dagaalka ganacsiga ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka iyo sidoo kale khatarta Xuutiyiinta Yemen ayaa kor u qaaday muhiimadda Berbera, taas oo Somaliland u furtay dariiq diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale.

 

Macdanta iyo Maalgashiga Caalamiga ah

 

Qaar ka mid ah warbaahinta dunada ayaa sheegay in shirkado Mareykan ah iyo Taiwanese ah ay bilaabeen sahamin ballaadhan oo lagu ogaanayo halka laga heli karo macdanta dhifka ah (rare earth minerals). Maalgashatada caalamka ayaa si gaar ah u muujiyey xiisaha ay u qabaan kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland, taas oo lagu lifaaqay degganaansho siyaasadeed iyo nidaam maamul oo sugan.

 

Gunaanad: Fursad Taariikhi ah:

 

Somaliland waxay maanta haysataa fursad aan weligeed soo marin:

 

Dekedda Berbera oo noqotay xudunta istaraatiijiyadda Maraykanka

Macdan qiimo leh oo muhiim u ah koboca tiknoolajiyadda adduunka

Xasillooni siyaasadeed iyo nidaam dastuuri ah oo shaqeynaya.

     
Loading...