Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimilada Somaliland, Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) ayaa sheegay in xukuumaddu waddo qorshe ay ku beereyso 3 milyen oo geed taasi oo ka dhigan in sanad kasta ugu yaraan ay beerayaan 600 oo kun oo geed.
Waxaanu yidhi."Muddo xuleedka xukuumadda waxa qorshaysan in la beero 3 milyan oo geed oo noqonaysa in sanad kasta la beero 600 oo kun oo geed iyo wax ka badan”
Sidoo kale wasiirku waxa uu tilmaamay qoondada miisaaniyada wasaaradda oo aad u yar awgeed in aanay marnaba joojinayn dadaalka iyo halganka ay ugu jiraan wax ka qabshada isbeddelka cimilada iyo xaalufka deegaanka, isla markaana wasaaraddu heegan ugu jirto sidii ay doorkooda u qaadan lahaayeen.
Wasiirka ayaa sheegay in ay cashuur dhaaf u sameeyaan shirkadaha iibiya haamaha gaaska ee wax lagu karsado ujeedaduna ay tahay sidii looga baaqsan lahaa jarida dhirta laga shido dhuxusha oo ah dhibaatooyinka ugu waa weyn ee ka qayb qaata xaalufinta dhulka iyo isbadalka cimilada, iyadoo ay ka go’an tahay raadinta maaliyad si ay u gaadhaan dadka wax ku karsada shooladu boqolkiiba 30 ilaa 40 si uu u yaraado isticmaalka dhuxushu.