Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markale si muuqata u muujisay hoggaan mas’uuliyadeed oo bisil, iyadoo si geesinimo leh uga jawaabaysa baahiyaha dhabta ah ee bulshada ee la xidhiidha adeegyada muhiimka ah ee caafimaadka . Tallaabooyinka is-daba-joogga ah ee ay qaadayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, kuwaas oo ay ugu dambeysay wareegto uu wasiirku ku amray dib-u-habayn lagu sameynayo xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, waxay caddeyn u yihiin dowladnimo shaqaynaysa, sharci u taagan danaha bulshada, kana duulaysa baahida dadweynaha ee caafimaad sugan.
Wareegtadii uu wasiirka horumarinta caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, soo saaray 16-kii July 2025, oo si rasmi ah muddo 14 cisho ah ugu kordhinaysa is-diiwaangelinta xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, waxay muujinaysaa in Wasaaraddu diyaar u tahay in ay si masuuliyadi ku jirto uga jawaabto caqabadaha jira, iyadoo aan luminaynin adkaynta sharciga iyo ilaalinta badbaadada muwaadinka.
Xukuumaddu waxa ay si cad u sheegtay in xarun caafimaad oo aan haysan ogolaansho rasmi ah aanay sharci u lahayn bixinta adeeg caafimaad. Tani waa fariin si cad ugu socota xarumo badan oo sannado badan si xeer la’aan ah u shaqaynayay, kuna takri-falayay nolol iyo nafaha muwaadiniin aan lahayn wax difaac ah.
Hoggaan u taagan Mas’uuliyad Qaran
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa dhinaca kale hoggaaminaya kormeerro shaqo oo ballaadhan oo uu dhawaan ku tegay gobollada Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer, iyo Daadmadheedh. Isaga oo goobo caafimaad oo badan ku wareejiyey mishiino casri ah, dawooyin, sariiro caafimaad, iyo agab caafimaad oo kale.
Tani waxay ka dhigan tahay dardar-gelin wax ku ool ah oo ka tarjumaysa u heelnaanta Wasaaradda ee ah in adeeg caafimaad oo tayo leh la gaadhsiiyo dhammaan gobollada dalka, si gaar ahna meelaha miyiga ah ee baahida ugu weyn qaba.
Xukuumadda Somaliland waxay si cad u muujisay in adeegga caafimaadku yahay mid qaran, kana sarreeya isir, deegaan, iyo dano gaar ah. Waxaa bilowday fulinta waajibkaas oo dusha saaratay Wasaaradda Caafimaadka JSL, iyadoo hirgelinaysa nidaamkii sharciyeynta, kormeerka joogtada ah, iyo la xisaabtanka xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay.
Tani waa tallaabooyin u dhigma himilada qaranka ee ku salaysan caafimaad loo siman yahay, xasilooni bulsho, iyo kalsoonida muwaadiniinta ee adeegyada dawladda.