Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo degdeg ah oo bini’aadantinimo oo lagu taageerayo isla markaana gurmad loogu fidinayo qoysaska ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen ee ku nool gobollada Awdal, Selel iyo Saaxil, iyadoo in ka badan 4,200 oo qoys loo kala diray raashin gurmad ah oo dhammaystiran.
Raashinkan oo ka kooban Bariis, Sonkor, Timir, Saliid iyo Baasto ayaa loo qaybinayaa degmooyinka iyo deegaannada ay abaartu sida weyn u saameysay, deegaanadaas oo kala ah: Boomara, Baki, Lughaya iyo Saylac oo ka kala tirsan gobolada Awdal iyo Selel, sidoo kale waxa kaalmadan la gaadhsiiyay deegaannada Laasciidle, Laasa-Dacawo, Bullaxaar, Madheera iyo Xagal oo ka tirsan gobolka Saaxil.
Maareeyaha Hay’adda u Diyaar-garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood), oo warbaahinta kula hadlay xarunta hay’adda, ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha gurmadka. Waxaanu sheegay in muddo kooban oo 11 cisho ah oo uu joogay xafiiska ay ku hawlanaayeen xog-ururin ku saabsan deegaanada ugu daran ee abaaruhu ku dhufteen oo u badan xeebaha iyo diyaarinta gurmad degdeg ah oo raashin lagu gaadhsiinayo deegaanno ka tirsan gobolada Saaxil, Awdal iyo Selel.
Maareeye Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood), waxa uu sheegay in deegaannada ugu daran ee ay sida weyn u saameeyeen abaaruhu ee gobolada Selel, Awdal iyo Saaxil ay u kala direen oo la gaadhsiiyay raashin dhan ama ku filan Afar kun iyo Laba boqol oo Qoys (4200). Raashinkaas oo ah mid dhammaystiran, kana kooban Sonkor, Bariis Timir Saliid iyo Baasto.
Maareeye Cabdiraxmaan oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi "Xafiiska waxaan iminka joogay ilaa 11 cisho, waddankana abaar baa ka jirta, waliba dhanka xeebaha Selel, Awdal iyo Saaxil ba abaaro ba’an baa ka jira. Mudadaa kooba ee aan xafiiska joogay ba waxaan ka shaqaynaynay sidii taakulayn loo gaadhsiin lahaa qoysaska deegaanada abaartu ka jirto.”
Maareeye Dixood oo ka hadlayay tirade raashinka ay sadexdaa gobol u kala direen inta qoys ee loogu talo galay iyo deegaanada la gaynayo, ayaa yidhi. "Maanta (shalay) waxaannu qorshaynay oo baxaya 1200 oo qoys raashinkoodii oo tegaya Lughaya, Shan boqol oo qoys raashinkoodii oo Boomara tegaya,Shan boqol oo qoys raashinkoodii oo Baki tegaya, Raashinkaasi wuu dhammaystiran yahay, wuxuu ka kooban yahay Bariis,Sonkor Baasto,Saliid iyo Timir.
Waxaa kale oo noo qorshaynay in Saylac la geeyo kun qoys raashinkood, sidoo kale gobolka Saaxil waxaannu u qorshaynay in kun qoys raashinkood la geeyo oo la kala geynayo Laasciidle, Laasa-dacawo, Bullaxaar, Madheera iyo Xagal.”
Maareeyaha Hay’adda u diyaar garawga aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil waxaa uu sheegay in dalka hayntiisu kooban tahay dhaqaale ahaan haddana Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro in ay markasta heegan buuxa ugu jirto sidii dadka tabaalaysan ee abaartu ku dhufatay gurmad iyo taakulayn loo gaadhsiin lahaa. Waxaanu yidhi "Waan ognahay oo ahynteenu ma buurna dhaqaale ahaan haddana Xukuumadda maanta xilka haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxay markasta heegan ugu jirtaa oo ay ku hawlan tahay sidii dadka abaartu ku dhufatay gurmad iyo taakulayn loo gaadhsiin lahaa taas oo illaa markii qaylo dhaanta abaartu soo yeedhay aannu ka wada shaqaynaynay.”
Maareeye Dixood waxaa kale oo uu inraasi raaciyay in Hay’adda WFP ay raashin gaadshsiisay deegaannada Saylac iyo Lughaya, sidoo kale waxa uu baaq u diray hay’addaha caalamiga ah iyo tijaarta dalka, kuwaasi oo uu ugu baaqay in gacan ka geystaan gurmadka iyo taakulaynta dadka jilicsan ee ay abuuruhu saameyeen.
Maareeye Dixood waxa kale oo uu sheegay in ay kulan deg deg ah ka yeelanayaan xaaladda abaarta wasaaradaha qorshaynta, dib u dejinta iyo hay’adaha caalamiga ah isla markaana iminka ay safar ku maqan yihiin oo ay qiimayn soo samaynayaan qaar ka mid ah Hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin.
Ugu Dambayn Maareeye Dixood waxaa uu culimada iyo guud ahaan bulshada Somaliland u soo jeediyay in la duceeyo oo RABBI la baryo ALLE ayaa abaarta inaga soo jebin karee isaga la baryo in uu abaarta inaga dul qaado.