"Xaalada abaarto aad ayey u adag tahay, sidaan hore u sheegnay...
Gudoomiyaha gobolka awdal Muxumed Xasan Jaamac xoday ayaa maanta ka warbxiyey xaalada abaareed ee Gobolka awdal iyo halka ay marayaan dadaalada gurmad ee loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameen ee deegaanada hoos yimaad degmooyinka Baki, Lughaya iyo Saylac.
Goddoomiye Xoday ayaa sheegay in ay hadda gacanta ku hayaan ku dhawaad 10-kun oo qoys raashin kood kaasi oo ay maalmihii u dambeeyey ay soo bixiyeen ganacsato, Hay’addo iyo sidoo kale dad muxsiniin ah ee gobolka Awdal.
Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in ay sida ugu dhakhsaha badan ay u gaadhsiin doonaan halkii loogu talo galay.
"Xaalada abaarto aad ayey u adag tahay, sidaan hore u sheegnay gurmadkii ugu horeeyey waxa bixiyey dawlada Somaliland, qaybtii labaad ayaan qorshaheedii ku jirnaa, degmada Boorama ganacsatedeeda culimo awdiin ka iyo dadka muxsiniinta ee ku nool waxan ugu mahadcelinaynaa sida ay uga qayb qaateen welina ay ula diyaar yihiin.
Waxan gacanta ku haynaa ku dhawaad raashin gaadhaya 10kun oo qoys”Ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka Awdal.