"Waa shaqooyinkii caadiga ahaa oo aanu awalba qaban jirnay
Ciidanka Booliska Somalilnad gaar ahaan Booliska Magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil ayaa habeenkii xalay waxay hawlgal balaadhan ka sameeyeen wadooyinka halbawlayaasha ee magaalada iyo isgowyada kala duwan ee magaalada.
Ciidanka ayaa la arkayey iyagoo baadhaya gawaadhida kala duwan ee magaalada gudaheeda iyo kuwa dibada uga baxaya fiidnimadii ilaa niskii dambe ee habeenimo hawlgal uu hogaaminayey Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Saaxil Gaashaanle Sare Axmed Maxamuud Guutaale, saraakisha iyo ciidanka kale ee Booliska.
Baadhista gawaadhiga shacabka ee magaalada Berbera ay ciidanku ku samaynayeen ayaa ahaa sida saraakhiisha ciidanku sheegeen mid lagu sugayo amniga laguna laban laabayo amaanka magaalada iyo guud ahaan tan gobolka Saaxil.
"Waa shaqooyinkii caadiga ahaa oo aanu awalba qaban jirnay oo aanu Dardar galinay, waah algal dhamaan gobolada iyo caasimada ka socda, waxa nagu hogaaminayo madaxda sare ee ciidanka Booliska oo uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland General Cabdi Dheere, ciidanka halkan ka hawlgalo waa ciidan aad u badan kuwaasi oo ilaa 10 goobood kaga jira hawlgalka Ciidanka Boolisku waa Ilaaliyaha Naf iyo Maal” ayuu yidhi Taliye Guutaale,
Geesta kale Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka gabilay gaashanle sare Cismaan Xaashi Daahir iyo Ciidamada Booliska oo iskaashanaya ayaa hawlgalo lagu xaqiijinayo amniga ka fulilayey gudaha magaalada Gebilay.
Ciidamada Booliska ee magaalda Gebilay ayaa baadhitaano kala duwan oo lagu sugayo amiga iyo xasiloonida ka sameeyey gudaha magaalada iyaga oo dadka iyo gaadiidkaba u baadhayey mid mid.
Talaabadan ay qaadeen guud ahaan ciidamada booliska ee gobolada dalka ayaa ah mid lagu xaqiijinayo aminiga isla markaana lagaga hortagayo falalka amni darada sababi kara kaasi oo habeenadii u dambeeyey ka socday gobolada kala duwan ee dalka