Horumarka iyo Waxqabadka Xukuumada Somaliland ee Maamulka Tacliinta Sare

Saturday July 19, 2025 - 12:29:58
hadhwanaagnews
Horumarka iyo Waxqabadka Xukuumada Somaliland ee Maamulka Tacliinta Sare



Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Guddida Tacliinta Sare ayaa qaaday tallaabooyin muuqda oo muhiim u ah xoojinta nidaamka waxbarashada sare ee dalka. Guddida Tacliinta Sare iyada oo si dhab ah dabaqaysa waajibaadkeeda ilaalinta tayada tacliinta, waxay 14/07/2025 soo saartay go’aamo muhiim ah oo la xidhiidha joojinta furista farac cusub ee Jaamacadda Rift Valley (Berbera) iyo xidhitaanka Jaamacadda Gollis faraceeda Boorame. Tallaabooyinkaas ayaa muujinaya tijaabo cad oo lagu xaqiijinayo waafaqsanaanta shuruucda iyo qawaaniinta dalka ee xarumaha tacliinta sare.

Tallaabooyinkani waxay tusaale u yihiin dadaalka Xukuumada ee lagu hubinayo in xarumaha tacliinta sare ee dalku ay si buuxda ugu shaqeeyaan si waafaqsan shuruucda waxbarashada qaranka, kana fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara sumcadda iyo tayada waxbarashada sare ee Somaliland.

Go’aamadan waxay si cad u muujinayaan adkaynta awoodda dowladda dhexe ee ku aaddan nidaaminta iyo tayaynta tacliinta sare. Tani waa farriin siyaasadeed oo xooggan oo si toos ah ugu ula hadlaysa maamulka gobollada iyo xarumaha jaamacadaha ee ku hawlan siyaasado maxalli ah: waxbarashadu ma aha arrin heer gobol ku eeg, balse waa adeeg qaran oo hoos yimaada sharciyada iyo hay’adaha dhexe ee dalka. Taas oo kor u qaadaysaa isku xidhnaanta u dhaxaysa xarumaha tacliinta sare iyo muwaadiniinta Somaliland guud ahaan, iyadoo dhisaysa aragti qaran oo mideysan oo ku dhisan wada-tashi iyo isla-xisaabtan heer qaran ah.

Xukuumadda Madaxweyne Cirro iyo Guddida Tacliinta Sare waxay ku dhaqaaqeen go’aamadan iyaga oo adeegsanaya hannaan sharciyeed oo cad, taas oo sare u qaadaysa kalsoonida bulshada ee nidaamka dowliga ah, gaar ahaan jiilka dhallinyarada ah ee mustaqbalkooda waxbarasho ku tiirsan yahay jaamacadaha dalka, xeerarka iyo qaab-dhismeedka dowladda. Waana tallaabo sharci oo sii adkaynaysa xakamaynta iyo tayaynta waxbarashada sare ee Somaliland.

Adkaynta Awoodda Sharci iyo Maamulka Tacliinta Sare:

Awood Sharci:Tallaabooyinka ay qaaday xukuumaddu waxa sal u ah Xeer-Lr 09/01/2021 iyo Xeerka Madaxweynenimo (JSL/XM/XM/249-6/11/012021), kuwaas oo si cad u qeexaya doorka Guddida Tacliinta Sare ee ilaalinta tayada waxbarashada sare. Go’aamadani waxay leeyihiin saldhig sharci oo adag, taasina waxay xaqiijinaysaa in wax ka qabashada jaamacadaha aan waafaqsanayn sharciga aanay ahayn falcelin kaliya balse ay tahay fulin awood dawladeed oo sharciyeysan.

Karti Dowladeed iyo Kalsooni Dadweyne:Jawaabta degdegga ah ee xukuumadda ee ku wajahan jaamacadaha ku hawlan hawlo sharci-darro ah waxay sare u qaaday kalsoonida bulshada ee nidaamka ruqsad-bixinta iyo ilaalinta tayada. Tani waa guul muuqata oo siyaasadeed, gaar ahaan marka laga eego saameynta ay ku yeelatay ardayda, waalidiinta, iyo bulshada aqoonta daneeya.

Xoojinta Kormeerka iyo Ruqsad-bixinta:Go’aamadani waxay muujinayaan in xukuumaddu diyaar u tahay inay si toos ah u farageliso marka ay jaamacado ku shaqeynayaan si ka baxsan sharciyada dalka. Kormeerka joogtada ah iyo la xisaabtanka ruqsadaha ayaa laga dhigay mid wax ku ool ah oo aan ahayn qodobo ku kooban waraaqo iyo habraacyo keliya.

Dardargelinta Maamulka Wanaagsan:Joojinta ama xidhitaanka jaamacadaha aan u hoggaansamin nidaamka waxbarasho ee qaranka ayaa ah tallaabo jaamacadaha kale ku khasbeysa inay hirgeliyaan qaab-dhismeed maamul oo hufan, leh xirfad, isla xisaabtan, iyo hoggaan waafaqsan shuruucda dalka. Tani waxay dhiirrigelin u tahay maamulka jaamacadaha kale in ay horumariyaan hannaankooda. Isku geynta talaabooyinkani waxay muujinayaan hannaan dowladeed oo firfircoon, sharci ku dhisan, isla markaana u taagan ilaalinta maslaxadda guud ee waxbarashada sare ee dalka.

Gunaanad:

Tallaabooyinka ay qaaday Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Guddida Tacliinta Sare, waa go’aan geesinimo leh oo ujeeddadiisu tahay in si dhab ah loo adkeeyo tayada iyo sharciyadda nidaamka waxbarashada sare. Waxay si cad u muujinayaan in dawladda dhexe ay ka go’an tahay dhismaha nidaam tacliineed oo hufan, leh kalsooni bulsho, kana turjumaya himilooyinka horumarineed ee qaranka.

Ugu dambeyntii, Guddida Tacliinta Sare waxay dirtay farriin adag oo ah in aan wax leex-leexad ah laga yeelayn haddii xarun tacliineed ka hor imanayso shuruucda dalka. Tani waa waddada kaliya ee lagu gaadhi karo nidaam waxbarasho oo tayo leh, sumcad ku dhisan, islamarkaana lagu dhiso jiil aqoon iyo xirfad u leh in ay hogaamiyaan mustaqbalka Somaliland.

     
Loading...