"Xisbi ahaan iyo Xukuumad ahaan Ba Waxaanu la Dareen Nahay Dadkeenna Xidh-xidhan…"

Saturday May 17, 2025 - 10:12:41
hadhwanaagnews
"Maxaabiista Sool Bari aynu ka haynaa waxay u xidhan



Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee waddani ee gobolka Togdheer Axmed Af-yare oo ka hadlayay mudaharaadkii ka dhacay magaaladda Burco ayaa tilmaamay in war been ah bulshada lagu kiciyay, sidoo kale waxa uu sheegay in xisbi ahaan iyo xukuumad ahaan ba ay la dareen yihiin saraakiisha iyo ciidanka ka xidhan Somaliland iyo eheladooda waxaanu yidhi

 

"Maxaabiista Sool Bari aynu ka haynaa waxay u xidhan tahay maxaabiisteena, qorshe aanu ku siidayno kama hayno dadkaa haysta, sabab loo sii daayaana ma jirto, xisbi ahaan iyo xukuumad ahaan ba waxa aanu la dareen nahay dadkeena xidh xidhan ee maxaabiista ah”.

 

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tacsi u diray dadkii ku dhintay dhacdadaasi ka dhacday Burco oo ILLAAHAY uga baryay inuu jannooyinkiisa ugu deeqo sidoo Kalena dadkii ku dhaawacmay uu u booga dhayo.

 

Geesta kale gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Waddani Axmed Af-yare ayaa bulshada ku waaniyay inay bulshadu ka fiirsadaan wararka lagu soo dhex tuuro, sidoo Kalena aanay magaaladda dhaawicin jidadkeeda iyo ganacsigeeda.

     
Loading...