Dareenka Ciidanka Kala Duwan ee Somaliland iyo Mushahar Kordhintii Madaxweynaha

Wednesday July 16, 2025 - 14:03:58
hadhwanaagnews
Ridwaan Maxamuud Xuseen, oo ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland, ,,,,



Xukuumadda Wada-jir iyo waxqabad ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah u hirgelisay mushahar kordhintii ciidamada qaranka, taas oo uu hore u ballan qaaday Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Tallaabadaas oo ah mid calaamad u ah bilow cusub oo lagu muujinayo dhiirrigelinta iyo tayeynta lafdhabarta amniga qaranka, taas oo askarta Somailand ay si weyn ugu bogaadiyeen madaxweynaha JSL.


Dareenka Ciidamada:

Ridwaan Maxamuud Xuseen, oo ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland, ayaa wargeyska Dawan u xaqiijiyay in ay heleen mushaar kordhintii ciidamada ee ballanqaadka ahayd ee Madaxweynaha Somaliland, isaga oo muujiyay rajo cusub iyo ididiilo farxad ku dhisan. "Haa, dhamaadkii bishii Juun waanu qaadanay mushaar kordhintii ugu horraysay. Waa wax aad u fiican. Waxaan rajaynayaa in inta kalena sannad kasta naloo kordhin doono, si loo gaadho ballanqaadkii Madaxweynaha ee boqolkiiba 250,” ayuu yidhi Riwaan.

"Runtiio korodhka mushaarku waa wax aad loo mahadiyo, mushahar kordhintaasi waxay noqon doontaa mid si toos ah u taabanaysa nolosha qoysaska ciidamada, haddii wax laga qabto arrimaha sicir bararka iyo sarifka doller ka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xubno kale oo ka tirsan ciidamada kala duwan ee Somaliland oo codsaday in aan magacyadooda la sheegin ayaa sidoo kale u sheegay wargeyska Dawan in mushahar kordhintani tahay bilowga rejo cusub oo saamayn togan ku leh ciidamada taas oo ay tilmaameen in ay sugayeen muddo dheer.

Tallaabadan ayaa noqonaysa mid wax weyn ka beddelaysa nolosha qoysaska ciidamada Somaliland. Tani waxay xoojin doontaa niyadda iyo dareenka ciidanimo, waxayna abuuri doontaa jawi amni oo sugan.

Mushahar kordhintan waxay noqotay calaamad siyaasadeed oo muuqata, sidoo kale waa fulin dhab ah oo lagu hirgeliyay ballanqaadyo ay dadku muddo sugayeen, iyadoo muujinaysa in xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cirro ay si dhab ah uga go’an tahay in ay siiso ciidamada waxa ay mudan yihiin: sharaf, daryeel iyo u-helitaan cadaalad mushahaareed.

Istaraatijiyadda Madaxweyne Cirro: Dhaqan-gal iyo Dadaal La Taaban Karo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si rasmi ah u shaaciyay dhaqangelinta mushahar kordhintan, xilligii uu xadhigga ka jarayay dib-u-habaynta Qaybta Galbeedka iyo Saldhigga Dhexe ee Hargeysa. Waxaanu yidhi:

"Xukuumadaydu waxa ka go’an tayeynta ciidamada, tababarkooda, iyo kordhinta mushaharkooda. Ciidamadu waa laf-dhabarta amniga dalka, mana noqon karaan kuwo la dayaco noloshooda. Kordhinta mushaharka ee hirgashay waxay qayb ka tahay qorshaha xukuumaddu u dejisay tayeynta ciidamada.”

Diiwaangelinta Ciidamada: Xuddunta Daah-furnaanta iyo Cadaaladda

Mushahar kordhintan waxay si toos ah ugu xidhantahay diiwaangelintii dhamaystiranayd ee ciidamada Somaliland oo si nidaamsan loo hirgeliyay horaantii sannadkan. Tiro-koobkan ayaa ahaa mid muhiim u ah kala shaandhaynta, caddaynta, iyo xaqiijinta in askari kasta oo shaqeeya uu helo xuquuqdiisa mushahareed.

Lataliyaha Madaxweynaha ee Warbaahinta, Xamse Cali Bulbul, ayaa arrintan ka faallooday isaga oo ku qoray bartiisa Facebook:

"Tirakoobkii lagu sameeyay ciidamada wuxuu meesha ka saaray wax is-daba marin. Wuxuuna suurtageliyay in mushahar kordhinta noqoto mid daah-furan, caddaalad ah, isla markaana sax ah. Tani waxay ka dhigan tahay in ciidamo xaq u leh mushaharka la daryeelay, lagana hortagay in askar aan jirin mushahar qaataan.”

Tirakoobkaas wuxuu xoojiyay qorshaha kor u qaadista tayada ciidamada, wuxuuna sahay u noqday hirgelinta siyaasadaha mushaarka iyo xuquuqda kale ee shaqaalaha militariga iyo booliska.

Gabagabo:

Haddii uu hirgalo ballanqaadka kordhinta mushaarka ee 250% ah muddo xileedka shanta sano ah, waxa ay ka dhigan tahay isbeddel muuqda oo ku yimaadda nolosha qoysaska ciidamada Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, waxa fure u ah guusha qorshahan in la xakameeyo sicir-bararka iyo qiimaha sarreeya ee doolarka, kuwaas oo hadii aan wax laga qaban ay wiiqi karaan faa’iidada kordhinta.

Mushahar kordhintani waxay tahay calaamad muuqata oo muujinaysa in Madaxweynaha cusub ee Somaliland uu bilaabay fulinta ballanqaadyadii uu ololaha ku galay, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga iyo horumarinta ciidanka.

     
Loading...