Maxaan wax u qoraa? :-

Friday May 16, 2025 - 15:07:11
hadhwanaagnews
George waxa uu leeyahay anigu buugaagtu kaliya iima



Buuga hoos ka muuqdaa, waxaa ku fara-yareestay qalin-dahab-le iyo rug-cadaagii weeynaa ee sheeko-faneedka-yada George Orwell (1903-1950), waxaa uuna uga hadlayaa waayihiisa qoraalka, iyo waxa ku-ka-lifay inuu maallo qalinka, uuna miiro maskaxdiisa.

George waxa uu leeyahay; laga soo bilaabo yaraanteeyda waxaan ku han-weeynaa inaan ku biiro saaxada qoraanimada, waayo waxaan rabay inaan qoro sheekooyin dabiici ah misane heer sare ah, kuwaas oo ku dhammaada murugo, laguna dheehay waayo-aragnimo soo jiidasho leh, anigoo waliba isticmaalaayo erayo leh dhawaaq ay dhaguhu ku raaxeeysanayaan.

George waxa uu leeyahay anigu buugaagtu kaliya iima aynan aheeyn quud, ee sidoo kale waxaay ii ahaayeen nolol, farxad, iyo waliba il-doogsi, jaceeyl aan akhriska u qabo dartii ayaana uga tagay maktabadii aan ka shaqeeyn jiray, waayo kitaab iibiyuhu had iyo jeer waxa uu ka been-sheegaa buugaagta, si ay ugu gadmaan, uuna dhaqaale ugu sameeyo, tanina waxaa kadhasha in dadku nacaan buugaagta.

George waxa uu leeyahay waagii hore intii aanan maktabada ka shaqo bilaabin si dhab ah ayaan u jeclaan jiray buugaagta waayo waxaay ii la-haayeen udug, jabaq, iyo waliba dareen gaar ah, se kolkii danbe waxaa iga tagay dareemahaasi oo dhan, anigoona cagta saaray wadada dadka caadiga ah, taasina waxaa ka dhashay inaan isaga tago maktabadii aan ka shaqeeynaayey.

Waxa uu George leeyahay, kolka aad buug qoreeyso, waa dabeecad iska caadi ah inaad haleeli weeyso mararka qaarkood erayo cusub, waayo waxaa jira walxo aad aragto iyo codad aad maqasho kuwaas oo marka hore aad sharixi karto, balse marka ay maskaxdaada galaan ay si buuxda isu beddelaan iyagoona gaaro darajo aadan sharixi karin.
Sidoo kale, waxaa jira nolol-riyo ah oo ay maskaxdaadu si joogto ah u abuurato, waana kuwo aan caddayn oo si degdeg ah lagu illoobo, hase yeeshee waxay mararka qaar ka kooban yihiin riyooyin-keenaas waxyaabo qurux badan oo madadaalo leh, se aanan marnaba erayo ku cabiri karin.
Waxa uu ka jawaabayaa george weeydiinta ah: Maxaan wax u qoraa?

Waxa uu leeyahay George; Wax waan qoraa, waayo waxaa jira been aan rabo inaan iftiimiyo, run aan doonayo in dadku arkaan, sidoo kale waxaa jira waxyaabo aan jecelahay in la maqlo jabaqdooda.
Waxyaabaha ay isku waafaqeeyn aadanaha, waxaa ugu horeeya barakada qalinka, waana wehelka kaliya ee aan leeyahay anigu se ma’ogi maalinta ay soo bixi doonaan buugaagteydu.
Jimco wanaagsan Jaallayaal.

Caawiye Ciiltire Cali


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...