Starlink waxaa si rasmi ah loo shaaciyay bishii Janaayo 2015,...
Sida ay sheegtay hay'adda Isgaarsiinta Soomaaliya (NCA), shirkada Starlink ee dhanka internerka ayaa ka howlgalaysa Soomaaliya ka dib markii la guddoonsiiyey shirkadaas rusqada isgaarsiineed ee ay kaga shaqa bilaabayso Soomaaliya.
Mas'uuliyiin ka socday shirkadda Starlink oo tagay magaalada Muqdisho ayaa ka qayb galay.
Mustafe Yaasiin Sheekh, hay'adda Isgaarsiinta Soomaaliya NCA, ayaa xusay in soo galitaanka Starlink ee Soomaaliya ay wax weyn ka tari doonto dadaallada dowladda ay ku doonayso in dalka lagu gaarsiiyo dalka.
"Waxa aan rajeyneynaa in adeeggan uu si gaar ah u anfici doono shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ganacsiyada, hay'adaha dowladeed ee ka baxsan magaalooyinka waaweyn oo adeegga internet-ku xaddidan yahay," ayuu yiri Maareeyaha oo ka hadlayey goobtii ruqsad bixinta.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Macallin ayaa xusay in ay ku faraxsan yihiin in shirkada Starlinka soo gaarto Soomaaliya.
"Waxaan soo dhoweyneynaa in Starlink soo gaarto dalkeena. Tallaadaban waxay la jaanqaadeysaa aragtida fog ee dowladda ee ah in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan la gaarsiiyo adeeg internet oo meel kasta gaari kara, isla markaana la awoodi karo," ayuu yiri wasiir Maxamed.
Adeegga internet-ka ee shrikada Starlink oo ah adeeg internet oo ay sidaan dayax-gacmeedyo lehna xawaare dheereeya ayaa ku soo biiraya adeegyada internetka ee ka jira Soomaaliya kaas ay madaxda Soomaalidu sheegeen inuuu kaabi doono kabaca dhanka internerka ee dalka.
Soomaaliya oo hadda ka mida dalalka adeega internerku ku gaaro xarigyo badda yaalla ayaa hadda helaysa adeer internet oo dhanka dayaxgacmeedka ah oo awood uleh inuu gaaro meelkasta.
Muxuu Elon Musk ka yiri gaaritaanka Starlink ee Soomaaliya?
Mulkiilaha shirkadda leh shirkadda adeeggan internet-ka ee Starlnka ee SpaceX, Elon Musk ayaa ka hadlay gaaritaanka shirkadda ee Soomaaliya
"Nidaamka dayax-gacmeedyada ee Starlink ee ay leedahay SpaceX ayaa hadda laga heli karaa gudaha Soomaaliya" ayuu ku yiri Musk qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter.
Starlink waxaa si rasmi ah loo shaaciyay bishii Janaayo 2015, iyadoo laga furay xarunta horumarinta dayax-gacmeedyada SpaceX ee ku taalla Redmond, Washington. Intii lagu guda jiray furitaanka, Elon Musk wuxuu sheegay in weli ay jirto baahi weyn oo aan la daboolin oo caalami ah oo ku saabsan adeegyo internet oo jaban oo xawaare leh.
Musk wuxuu sidoo kale sheegay in Starlink ay bartilmaameedsan doont inaynay bixiso bandwidth awood u leh inay qaaddo ilaa 50% dhammaan isgaarsiinta backhaul ee caalamka iyo ilaa 10% xogta internet ee gudaha magaalooyinka dadka ku badan yihiin.
Wuxuu intaas ku daray in dakhliga togan ee ka soo baxa iibinta adeegga internet-ka ee dayax-gacmeedyada uu lagama maarmaan u yahay maalgelinta qorshayaasha SpaceX ee Mars.
Elon Musk, oo ah bilyaneerka ugu hodansan dunida ayaa leh shirkado waaweyn oo dhanka teknoolajiyadda ah sida shirkada adeegga hawada ee SpaceX, Tesla oo ah shirkadda soo saarta baabuurta ku shaqaysa korontada iyo shrikado kale.
Musk, ayaa hadda ka mid ah ragga saamaynta ku leh siyaasadda madaxweyne Trump oo kaalin weyn ku lahaa dibu doorashadiisii sanadkii 2024-tii. Sidas oo kale Elon Musk ayey dhawaan haddalo kulul is dhaafsadeen xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Wakilada ee Maraykanka oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ka dib siyaasadda Trump ee masaafurinta soo-galootiga ee Maraykanka.
Maxaan ka naqaannaa Starlink?
Starlink waa shabakad internet ah oo saldhigeedu yahay dayax-gacmeedyo, waxaana hawlgelisa shirkadda Starlink Services, LLC, oo ah shirkad caalami ah oo bixisa adeegyada isgaarsiinta. Shirkaddan waxaa si buuxda u leedahay shrikada uu leeyahya bilyaneerka Maraykanka Elon Musk ee la yiraahdo SpaceX, oo ah shirkad Mareykanku leeyahay oo ka shaqeysa hawada sare. Starlink waxay adeeg internet ah siisaa in ka badan 100 waddan iyo, iyadoo sidoo kale hiigsaneysa in ay bixiso adeeg internet oo mobile ah oo caalami ah. Starlink waxay door weyn ka ciyaartay koritaanka iyo guusha shirkadda SpaceX.
SpaceX, ayaa daah-furtay shirkada Starlink ee dhanka Satelate-ka sanadkii 2019-kii.Ilaa bishii Sebteembar 2024, shabakadda Starlink waxay ka kooban tahay in ka badan 7,000 oo dayax-gacmeedyo yaryar oo si ballaaran loo soo saaray, kuwaasoo ku wareegaya dhulka meel hoose (Low Earth Orbit - LEO), isla markaana la xiriira qalabyo gaar ah oo dhulka yaalla oo isgaarsiinta qabta. Waxaa la qorsheeyay in la hawlgeliyo ku dhowaad 12,000 oo dayax-gacmeed, iyadoo la filayo in tiradaasi ay gaarto ilaa 34,400 mustaqbalka fog.
Shirkadda adeegada hawada ee SpaceX, ayaa ku dhawaaqday bishii December sanadkii 2022-kii inay gaartay in ka badan hal milyan oo macaamiil ah, halka tiradaas ay kor u kacday ilaa afar milyan bishii sebteember ee sanadkii 2024-kii.
Bishii May 2018, SpaceX waxay ku qiyaastay in guud ahaan kharashka lagu naqshadeynayo, lagu dhisayo, laguna hawlgelinayo shabakadda Starlink uu noqon doono ugu yaraan 10 bilyan oo doollar Mareykan ah.
Sanadkii 2022, dakhliga Starlink waxaa lagu sheegay inuu gaaray $1.4 bilyan, hase yeeshee waxaa la sheegay in shirkaddu weli khasaaro ay la kulantay sanadkaa, inkastoo faa'iido yar la diiwaan geliyay oo billowday sannadka 2023.
Bishii May 2024, dakhliga la filayay ee sanadkaas wuxuu ahaa $6.6 bilyan, balse markii dambe sanadkaas saadaashaasi ayaa kor u kacday oo la gaarsiiyay $7.7 bilyan.
Waxaa la filayaa in dakhliga Starlink uu gaaro ilaa $11.8 bilyan sanadkan 2025.
Ururinta dayax-gacmeedyada ku wareegaya meel hoose oo dhulka ah (Low Earth Orbit – LEO) ayaa markii ugu horreysay la fikirey bartamihii 1980-meeyadii, iyadoo qayb ka ahayd Strategic Defense Initiative (Mashruucii Difaaca Istaraatijiga ah) ee Mareykanka. Tani waxay ugu dambayn horseedday qorshaha la yiraahdo Brilliant Pebbles, kaas oo hub lagu rakibo lahaa orbit-hoosaadka si loo burburiyo gantaallada ridada dheer marka si degdeg ah loo helo.
Waxaa sidoo kale la aqoonsaday fursadda ay shabakadahani u leeyihiin isgaarsiin degdeg ah (low-latency communication), taas oo keentay in horumarin dheeraad ah lagu sameeyo 1990-meeyadii. Natiijadii waxay dhalisay mashruucyo badan oo ganacsi oo ah megaconstellations (shabakad ballaaran oo dayax-gacmeedyo ah) kuwaasoo adeegsanayey qiyaastii 100 dayax-gacmeed,
BBC/SOMALI