Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradah Hindiya oo dhacday

Thursday June 12, 2025 - 14:12:39
hadhwanaagnews
Diyaaraddan oo siddey in ka badan 200 oo rakaab ah, kuna sii...


Diyaarad xamuul ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradah Air India nuuceeduna yahay Boeing 787-8 Dreamliner, ayaa ku dhacday magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya.

Diyaaraddan oo siddey in ka badan 200 oo rakaab ah, kuna sii jeeddey magaalada London ayaa soo dhacday wax yar ka dib markii ay ka kacday garoonka Diyaaradaha ee Ahmedabad.

Diyaaradda oo summadda duulimaadkeedu ahaa AI171, ayaa u muuqata in ay ku dul habsatay deegaan lagu nool yahay.

Wasiirka Duulista hawada ee Hindiya Kinjarapu Ram Mohan Naidu ayaa sheegay in ay socdaan hawlaha gurmadka degdegga. Illaa hadda lama hayo khasaaraha ka dhashay shilkan diyaradeed, waxaase meesha diyaaraddu ku dhacday ka muuqda uuro madow muujineysa in diyaaradda dab qabsaday.
     
Loading...