Turkiga iyo Soomaaliya ayaa heshiis ka gaaray baaritaanka shidaalka iyo gaaska ku jira berriga, kaasoo u damaand qaadaya hay'adda tamarta ee dawladda Turkigu maamusho inay hesho xuquuqda baaritaanka ee ay ku samaynayso seddex xirmo oo Soomaaliya ku yaalla sida ay saraakiil sheegeen Khamiistii.
Heshiiska oo lagu saxiixay Ankara ayaa u saamaxaya hay'adda shidaalka ee Turkiga (TPAO) inay billowdo daraasad xagga dhulka ah oo ay ku samayso ugu badnaan 16,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah.
Arrintan ayaa qayb ka ah dadaal balaaran oo ay labada waddan ku sii balaarinayaan iskaashigooda dhinaca tamarta.
Maxay labada dhinac ka yiraahdeen
"Iskaashiga u dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya waa mid sii kobcaya" ayuu yiri wasiirka tamarta iyo khayraadka dabiiciga ee Turkiga Alparslan Bayraktar isagoo ka hadlayey xafladdii saxiixa.
"Hay'adda TPAO waxay isticmaalaysaa hanaanka baaritaanka lakabyada dhulka oo ah mid aad u sarreeya, si ay u qiimayso meelaha ay ku jiraan hydrocarbon. Natiijada ay xogta keento ayaa lagu salayn doonaa qoditaanka" ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka batroolka iyo khayraadka macdanta ee Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa isna ku tilmaamay heshiiska inuu qayb ka yahay iskaashi weli socda. "Maalin taariikhi ah ayey dhamaanteen noo tahay. Haddii sahamintu ay hagaagto, waxaan rajeynaynaa in iskaashi intan ka ballaaran uu sii socdo" ayuu yiri wasiirka.
Wuxuu intaa ku daray in ay jiri doonto koox Soomaaliya loo dirayo si ay u soo sameeyaan qiimayn iyo diyaar garow.
Heshiiska baaritaanka shidaalka berriga ayaa ah mid daba socda heshiiskii baaritaanka badda ee ay labada dal gaareen Maarso 2024.
Muxuu dhigayaa heshiiskan cusub
Waxyaabaha heshiisku dhigayo, inkastoo aan shaaca laga qaadin kharashka ku baxaya, waxaa ka mid ah in seddexda xirmo ee shidaalka laga baarayo ay ku yaallaan maamul goboleedka Koofur galbeed.
"Ka qayb ahaan wejiga xiga, hay'adda batroolka ee Soomaaliya (SPA) waxay diyaarinaysaa inay qaabisho wafdiga 1aad ee ah injineerrada ka socda TPAO, kuwaasoo ujeedadooda ugu horraysa ay tahay inay diiradda saaraan qiimayn xagga amniga ah oo ballaaran, ka hor inta aan la soo dirin kooxda sahanka samayn doonta" ayaa lagu sheegay qoraal ay soo saartay hay'adda batroolka Soomaaliya.
Qoraalku wuxuu intaa ku darayaa in sahankan berriga laga samaynayo uu yahay kii ugu horreeyey ee la sameeyo tan iyo 1985, wuxuuna intaa ku daray in hindisahan ay rumaysan yihiin inuu qayb ka qaadan doono adkaynta amniga ee heer gobol iyo mid maxalli ah intaba, uuna "kobcin doono shaqaaleynta iyo fursadaha shaqo ee bulshada Soomaalida, uuna kaalin ka qaadan doono horumarka wakhtiga dheer ee kheyraadka dabiiciga ee dalka".
Wasiirka shidaalka ee Turkiga Alparslan Bayraktar wuxuu sheegay in Istanbul ay marti gelin doonto shir madaxeed ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah, kaasoo la qaban doono bisha soo socota ee Maajo horraanteeda.
Wuxuu intaa ku daray in markabka sahanka ee Oruc Reis ee hadda ku sugan xeebaha Soomaaliya uu weli wado sahanka lakabyada ee loo yaqaanno 3D.
Markabka ayaa soo afjaray ilaa 78% hawlaha baaritaanka shidaalka sida uu sheegay wasiirka shidaalka ee Turkiga. "Wixii loo gaaro dhamaadka bisha Maajo, waxaan soo gaba gabayn doonnaa baaritaannada sahanka ee halkaa ka socda" ayuu yiri.
Saddexdii bisha Juun 2016 ayey ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya iyo Turkiga ay kala sixiixdeen heshiis is afgarad oo ku saabsan tamarta iyo macdan qodista. Heshiiskan waxaa dib u dhigay afganbigii dhicisoobay ee 15-kii bisha Luulyo 2016 dalka Turkiga ka dhacay, balse mar labaad ayaa is afgaradkaasi yimid miiska ahmiyadda ee Turkiga kadib markii madaxweyne Erdogan uu baarlamaanka dalkiisa horgeeyay si ay u meel mariyaan.
BBC/SOMALI