hadhwanaagnews
Qoraalku wuxuu si qoto dheer u falanqaynayaa caqabadaha ku gadaaman geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada kala-guurka, isagoo diiradda saaraya khilaafaadka siyaasadeed, amni-darrada, musuqmaasuqa, qabyaaladda, faragelinta shisheeye, tabashooyinka la xidhiidha nidaamka federaalka iyo caqabadaha ka jira ku-dhaqanka sharciga iyo caddaaladda siyaasadeed.
Qoraagu wuxuu ku doodayaa in khilaafaadka siyaasadeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee hortaagan doorashooyinka, iyadoo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay inta badan isku khilaafaan habka loo maamulayo iyo jihada doorashooyinka. Waxa uu xusay in khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka ay sii kordhin karaan kala-fogaanshaha siyaasadeed iyo xasillooni-darrada dalka.
Amni-darrada ayaa iyaduna qoraalka looga dhigay caqabad weyn oo si toos ah u saamaynaysa doorashooyinka iyo dowladnimada. Qoraagu wuxuu xusay kooxaha hubaysan, maleeshiyo-beeleedyada iyo khilaafaadka siyaasadeed, isagoo ku baaqay in dib-u-habayn lagu sameeyo hay’adaha amniga, la tayeyo ciidamada, lana xoojiyo nidaamka lagu maamulayo hubka dalka.
Musuqmaasuqa iyo qabyaaladda ayaa sidoo kale lagu tilmaamay arrimo dhaawacaya kalsoonida shacabka iyo hannaanka doorashooyinka. Qoraagu wuxuu sheegay in xal u helidda caqabadahaasi ay u baahan tahay ku-dhaqanka sharciga, isla-xisaabtan, daah-furnaan, caddaalad siyaasadeed iyo in laga fogaado eexda iyo sed-bursiga.
Qoraalka ayaa sidoo kale si gaar ah u taabanaya nidaamka federaalka Soomaaliya iyo saamaynta uu ku leeyahay awood-qaybsiga siyaasadeed. Qoraagu wuxuu ku baaqayaa in si qoto dheer loo eego caqabadaha ka dhashay nidaamka jira, lana helo hannaan siyaasadeed oo horseeda wada-shaqayn, kalsooni iyo midnimo qaran.
Dhanka xalalka, qoraagu wuxuu soo jeedinayaa in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay gaadhaan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo saldhig u noqda doorashooyin lagu wada kalsoon yahay. Waxa kale oo uu xoogga saaray la-dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga, xakamaynta hubka, dhamaystirka dastuurka, dhismaha maxkamad dastuuri ah, xoojinta garsoorka iyo hirgelinta doorashooyin hufan oo heshiis lagu yahay.
Ugu dambayn, qoraagu wuxuu ku baaqayaa in Soomaaliya ay yeelato hoggaan leh aragti fog, mabda’ siyaasadeed iyo daacadnimo, isla markaana la xoojiyo ku-dhaqanka sharciga, caddaaladda, wadajirka bulshada iyo kalsoonida shacabka. Qoraalku wuxuu ku soo gunaanaday farriin baraarujin ah oo ku socota bulshada Soomaaliyeed: "Soomaalaay, baraarug! Oo tagtadii shalay iyo taganta maantay cashar ka barta.”
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!