hadhwanaagnews
Waalidkaagu uma baahna inaad dunida oo dhan u keento si ay kuugu farxaan. Waxa ay u baahan yihiin waa inay dareemaan in dadaalkoodii, jacaylkoodii iyo waqtigii ay noloshaada geliyeen aan la illoobin.
Mararka qaarkood, farxaddooda ugu weyn waa inay codkaaga maqlaan, wejigaaga arkaan, caafimaadkaaga ogaadaan ama ay kaa maqlaan erayadan fudud: "Hooyo, aabbo, maanta sidee tihiin?”
Ha ku mashquulin raadinta nolol wanaagsan ilaa aad illowdo labadii qof ee noloshooda qayb weyn u huray sidii aad adigu nolol wanaagsan u heli lahayd. Waalidkaagu wax badan kaagama baahna; mararka qaarkood, wicitaan gaaban, booqasho, hadal wanaagsan ama daryeel yar ayaa qalbigooda farxad weyn geliya.
Xusuusnow in maalmaha noloshu socdaan, waqtiguna aanu sugin qofna. Haddii waalidkaa ay nool yihiin, ka faa’iidayso fursadda aad haysato. U muuji jacaylkaaga, u samir, u adeeg oo u muuji ixtiraamka ay mudan yihiin. Ha sugin maalin aad ka shallayso fursado aad maanta heli karto.
Guushu ma aha oo keliya inaad hanti urursato, guri dhisato ama meel sare gaadho. Guusha dhabta ahi waxa kale oo ka mid ah inaad farxad geliso waalidkii kuu soo halgamay, una muujiso in aanad illoobin wanaaggii ay kuu sameeyeen.
Waalidkaaga sii jacaylka iyo daryeelka ay mudan yihiin inta ay kula joogaan. Maalinta aad weydo, xusuustooda iyo ducada aad u dirtaa ayaa kuu hadhi doonta.
Ilaahayow, waalidiinteen dembi-dhaaf iyo naxariis sii, sidii ay noo koriyeen annaga oo yaryarna ugu naxariiso. Inta nool cimrigooda ku barakee adeeciddaada, caafimaad iyo cibaado wanaagsanna ku galladee. Intii geeriyootayna u naxariiso, qabriga u waasic, darajooyinkoodana Jannada ugu sarraysii.
Aamiin, yaa Rabbal-caalamiin.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!