Maxaan Ka Ognahay Heshiiska Difaaca Ee Dhex Maray Somaliya iyo Turkiga?

Saturday February 10, 2024 - 07:20:38
hadhwanaag
"Soomaaliya waa bahwadaag Afrika muhiim ugu ah Turkiga. "



Wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa Khamiistii kala saxiixday heshiis isugu jira mid difaac iyo mid iskaashi dhaqaale ayadoo, sida la sheegay, 'sare loogu qaadayo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal ka dhaxeeya iyo deganaanshaha gobolka'.


Yasar Guler, wasiirka difaaca ee Turkiga, iyo dhiggiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa heshiiska u kala saxiixay labada dal, xaflad ka dhacday caasimadda Turkiga ee Ankara.


Sida ay qortay wakaaladda wararka Anadolu, labada dhinac waxay yeesheen kulamo dhex maray wufuuddooda.


"Soomaaliya waa bahwadaag Afrika muhiim ugu ah Turkiga. Wadahadallo waxtar leh ayaan dhigayga la yeelannay. Wadaxaajoodkeenna oo ku dhacay jawi diirran, xiriirkeenana sii wanaajiyey, ayaan ku celinay mar kale muhiimadda aan siinayno gobanimada iyo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri Mr Guler kulanka ka dib.


Wuxuu kaloo tilmaamay in Ciidanka Gorgor ee sida Kumaandooska u tababaran ay yihiin "Dhallinyaro ay waddaniyad ka buuxdo oo tusaale lagu daydo u noqday qaaradda Afrika”.


Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya ayey wakaaladda wararka ee Anadolu sheegtay inuu ku tilmaamay xiriirka labada dal "inuu xoogaystay tan iyo markii uu 2011 Soomaaliya yimid madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan”.


"Marka laga yimaado xiriirka labada wasaaradood u dhaxeeya, heshiiska aan maanta saxiixnay wuxu ku taxalluqaa dagaalka argagixisada iyo iskaashiga dhaqaalaha ee Milateriga. Waxaan rumaysannahay in heshiiskan uu waxtar weyn u yeelan doono Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, sida ay soo tabisay wakaaladda Anadolu.


Wax ma laga ogyahay heshiiska
Ilaa hadda wax badan lagama oga heshiiska difaac ee dhex maray Soomaaliya iyo Turkiga, waxaase la rumaysan yahay in macluumaad badan oo xasaasi ah ay ku jiraan.


Ilo kala duwan oo BBC-du ay la xiriirtay oo uu ku jiro wasiirka gaashaandhigga qudhiisa ayeysan ka helin BBC jawaab la xiriirta macluumaadka heshiiska.


Sidaasoo ay tahay, waxay BBCdu la xiriirtay Ilo milateriga Soomaaliya ku dhow oo magacooda ka gaabsaday in aan soo xiganno, kuwaasoo sheegay in wakhtigan aysan amar u qabin in ay si rasmi ah uga hadlaan arrintan "oo aad xasaasi u ah", balse inoo dul maray qaybo ka mid ah heshiiska.


Qodobbada heshiiska waxaa ka mid ah sida ay ilahaas sheegeen "in Turkigu uu Soomaaliya siinayo hub culus”, laakinse lama oga ilaa hadda nooca hubka iyo tiradiisa.


Isla arrintaas waxaa isna BBC u sheegay mas'uul ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya oo magaciisa aynan halkan ku xusayn.


Waxaa kale oo ilahaas ay BBC u sheegeen in uu jiro qorshe kaas barbar socda oo "ciidanka badda ee Turkiga ay markab ama maraakiib dagaal u soo diri doonaan badda cas”. Laakinse ilahaas waxay sheegeen in wafdiga wasiirka gaashaandhigga "aysan hawshaas iminka ku mashquulsanayn oo ay aad u danaynayaan taageero milateri oo ay Turkiga ka helaan".


Inkastoo aysan labadaas arrimood BBC si madax banaan u xaqiijin, misna heshiiska difaaca ee labada dal dhex maray ayaa ku soo aadayaya ayadoo weli ay taagan tahay xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriirta hesiiskii is afgarad ee 1dii Janaayo dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo dhigayey in Itoobiya ay saldhig ka samaysato badda cas, taa beddelkeedana ay aqoonsanayso Somaliland.


Waxaa kale oo heshiiskan uu ku soo aadayaa ayadoo badda cas ay ka socdaan hawlagallo milateri oo ciidamada uu Maraykanku hogaaminayo ay kaga hor jeedaan Xuutiyiinta Yemen ee bar-tilmaameedsanaya maraakiibta isticmaasha marin biyoodka Baabul Mandab.


Heshiiskan muxuu labada dhinac ee Soomaaliya iyo Turkiga uga dhigan yahay.
"Turkiga wuxuu Soomaaliya u tababaray Askar badan oo qaybaha ciidanka qalabka sida ka kala socda, wuxuuna soo saaray kumanaan askari oo Soomaaliya ka caawiyey hawlagallada ay kala horjeeddo Al Shabab, iyo xasilinta amniga” ayuu yiri Xasan Xayle oo ka faallooda arrimaha gobolka.


"Dhanka kale, Wuxuu ka mid yahay Turkigu dalalka aadka ugu hanweyn ee doonaya in ay dhisaan Soomaaliya awood xooggan ku leh Afrika” ayuu si raaciyey Xayle.


Turkiga ayaa saldhig milateri oo ah kiisii ugu weynaa ee uu dibadaha ku yeesho ka hirgaliyey magaalada Muqdisho bishii Oktoobar 2017, wuxuuna dawladda Soomaaliya sidoo kale ku taageeray qalab milateri oo ay ka mid yihiin dayaaradaha bilaa duuliyaha ah.



BBC
     
Loading...